Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on October 16, 2011, 10:52:05 PM

Title: Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?
Post by: CilmiSabca on October 16, 2011, 10:52:05 PM
Asc wrt wbt. Bacda salaam.
Dhakhtar, Qasilka (walax u eg Cilaanka) haddii jirka ama timaha ama labadaba la marsado, faa'iido ma leeyahay? Thanks.
Title: Re: Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 10:54:26 PM
Fikrad dheeraad ah naga sii qasilka waxa uu ka koobanyahay si aan iskugu dayo faaidadiisa iyo khasaarihiisa labadaba.
Maxaayeelay qasilka wuxuu ka koobnaan karaa dhowr waxyaabood oo kala duwan ama dhowr nuuc.
Title: Re: Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?
Post by: CilmiSabca on November 01, 2011, 11:33:31 PM
Dhakhtar, Qasilka waa walax Cilaanka u eg laakiin ka jilicsan, inta badanna waxaa isticmaala haweenka, waxaana ay aalaa marsadaan timaha & jirka. Marka ay timaha marsana hayaan haweenku waxa ay sheegaan in uu nadaafad ahaan & qurxin ahaanba wax u tarayo timaha & lafta madaxa. Sidoo kale, waxay haweenka isticmaala sheegaan in uu jirka-na nadiifiyo finanka na ka baabi'iyo (inkasta oo aysan sheegin nooca ama noocyada finanka).
        -> Haddii aan sii yara iftiimiyo, Qasilka waxaa loo qasaa sida cilaanka oo kale (laguma-se daro daawooyin jilciya sida thinner ta) biyo uun baa lagu qasaa wuxuuna noqdaa ama uu yeeshaa qaab layiig ah oo sida dhareerka u jiid jiidma, marka ay dumarku is marina hayaan waxa ay u marsadaan sida Huruudda (waa walax isaguna leh midab Jaalle ah oo ur lifaaqan leh).
    => Haddaba, Dhakhtar, su'aasha aan doonayey waxa ay aheyd; in aan ogaado inay sax tahay sheekada ay dumarku waaya aragnimadooda saldhigga uga dhigeen Qasilka (caleen la budeeyey) iyo sidoo kale in aan wax ka fahamno maadooyinka ku jira.
_______
Waxaan filayaa in aad imminka garatay nooca su'aasheyda. Waadna MAHADSAN TAHAY SOMALIDOC.
Title: Re: Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?
Post by: SomaliDoc on November 02, 2011, 12:36:45 AM
(http://ecx.images-amazon.com/images/I/519kdO7BCyL._SL500_AA300_.jpg)
Haddaan ku fahmay, qasiilka asalkisa wuxuu ka soo jeedaa dalka india waana shaambo geedo laga sameeyay oo kale.
Budadaan waa kala nooc oo geedo kala duwan ayaa laga sameeyaa, geedaha laga sameeyo waxaa ka mid ah Zanjabiilka.

Waxaa jiro qasil qaar lagu daro kiimiko, kuwaas oo aan la baarin oo aan la hubin dhibaatadooda waa laga yaabaa in ay waxyeello geystaan, laakiin cilmi baaris dheeraad ah oo lagu sameeyay qasliga iyo qaybihiisa kala duwan ma hayo.

Way fiicnaan lahayd haddii uu jiro qof ku xeel dheer arintaas inuu wax ka yiraahdo.
Title: Re: Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?
Post by: CilmiSabca on November 02, 2011, 02:11:17 AM
Waad mahad san tahay Somalidoc. Qasilka aan ku weydiiyey noociisa waxaa hadda la ii sheegay in uu yahay ama laga sameeyo caleemaha geedka ay Soomaalidu u taqaano GOBKA. Waxaana la ii sheegay in caleemahaas oo inta qoraxda (ama si kale) lagu qalajiyey ka dibna la budeeyey (like powder) ama la tumay. Sida la ii sheegay waa wax dabiici ah, oo aan laheyn wax dhibaato ah haba yaraatee. Marka Dhakhtar, waad ku dadaashay inkastoo aad taqaan Qasilka nooca Caalamiga ah, inkasta oo Soomaaliya geedka Gobka looga yaqaano. Waadna ku mahad san tahay dadaalkaaga aan hagarta laheyn. Salaama Allaah.