Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulahi Tayo Mohamed on May 22, 2017, 02:04:42 PM

Title: Su'aal: Hunqaaco ama matag badan?
Post by: Abdulahi Tayo Mohamed on May 22, 2017, 02:04:42 PM
Age 22     weight  56.5  height 180 cm i.b.m 17.3
Asc waan salaamy bahda webka

Suaasha aan rabay inaan waydiiyo dr ka waxay tahay:
Waxaaan leeyahay hunqaaco  xiliga iigu daran waa 1 markaan biyo.baxo ejaculation ka kabcdi must waan matagaa
2 Xiliga aan warwaro ama hawlkadis ah i qabsto.
Dhibkaas ayaa ihysa dhakhtaro badan ayaan lakulmy waxay igu dheheen gastric ayaad leedahay dawadooduna waxba igma tarin.
Lkn mudo hada laga joogo 6 bilood ayaan dhakhtar aan booqday wuxuu afka iga galiyay tuumbo(camera) caloosha lagu eego wuxuuna igu yiri wxaa kugu badan xamytida uu jidhkaagu soo daayo waana rumysty waayo waan dareemaa in calooshayda hormono lagu soo daayo lkn dawadiisii waan kusii xanuunsaday oo kliya.
Markaas calooshayda wax lagu soo daayana cuntadu way iga xidhantaaa oo waan ku yalaalugoodaa aadna waan u xanuunsadaa. Lkn hadaan cuno. kinino Vitamin ah waxaa laga yaabaa inaan soo roonaado.
Maxaad igula talin lahayd dhibkaas ayaa ihysteee?

jazaka allahu khyran.
Title: Re: Su'aal: Hunqaaco ama matag badan?
Post by: SomaliDoc on December 02, 2017, 09:01:11 PM
Inkastoo aadan sheegin xilliga ay kugu bilaabatay cilladaan, laakiin waa arrin lagu arko rag badan waxaana badanaa keeno laba cillad mana ahan wax la xiriira gaas iyo xameeti xanuun labadaba.

Dadka qabo stress-ka iyo isku-buuqa qaarkood way lalaboodaan wayna matagaan markay biyo-baxaan, laakiin matag kaliya ma dareemaan ee waxay kaloo siku arkaan wadne garaac siyaado ah, neefsashada oo culeys ah, dhidid badan, cabsi iyo welwel markay biyo baxaan kadib.

Waxay kaloo cilladaan ka timaadaa in cadaadiska dhiigga uu hal mar hoos u dhaco maadaama sida caadiga ah uu cadaadiska dhiigga kaco markii la biyo baxayo, tanne waa arrin kaloo sabab u noqota inuu qofka wareer iyo yalaalugo dareemo, kadibne matago kadibne qofka wuxuu sii dareemi karaa caajis iyo daal murqaha oo idil.

Marka si loo kala ogaado cilladaada meesha ay salka ku hayso waxaad u baahan tahay waraysi dheeraad ah si aad uga jawaabtid dhowr su'aalo oo lagu kala garan karo labadan cilladood inkastoo cilladaada aan u badinayo midda kore maadaama aad leedahay astaamo cudurka gaaska oo lagu arko dadka qabo cilladda kore ee isku-buuqa iyo welwelka.