Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on October 29, 2010, 10:34:08 PM

Title: Su'aal: maxaa ka dhexeeya xanuunada psychotic iyo ocd?
Post by: Barkhat on October 29, 2010, 10:34:08 PM
marka hore waan idin salaamaya dhamaantiin diktoorada iyo hawl wadeenada sharafta iyo maamuuska mudanow!

intaa ka bacdi waxaan doonayaa in aan wax ka ogaado farqiga u dhexeeya xanuunada maskaxda gaar ahaan kuwa looyaan OCD and PSYCHOTIC ama SCHIZOPHRENIA?

inta badan waxaynu aragnaa dad ay xanuunadaasi hayaan balse had iyo jeer waxay leeyihiin caalamado kala duwan, sidaa awgeed xanuunadaasi sidaa ay u kala calaamado gedisan yihiin daweyntooduna miyey u kala duwan tahay mise isku si iyo isku dawo ayaa lagula tacaalaa?
walaalayaal iga jaahil saara inay kala duwanyihiin iyo inay isku mid iyo isku dawo yihiin?

waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: maxaa ka dhexeeya xanuunada psychotic iyo ocd?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2010, 07:25:02 PM
Halkaan ka akhriso qeybaha ugu caansan cudurrada maskaxda iyo calaamadaha lagu kala garto
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,49.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,49.0.html)

Mahadsanid
SomaliDoc