Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aqoonkorodhsi on January 20, 2013, 02:17:13 AM

Title: Su'aal: Kuus kuus yar yar oo ku yaala carabka qaybtiisa dambe?
Post by: Aqoonkorodhsi on January 20, 2013, 02:17:13 AM
dhakhaatiirta halkan ku diyaarka ahoow walaal aad iyo aadbaad ugu mahadsantihiin sida hagar la'aanta ah eed ugu adeegaysaan bulshadiina, ilaahayna ha idinka ajar iyo xasanaad siiyo aqoontiinana ha idiin siyaadiyo.
walaal waxaan doonayaa in wax la iiga sheego kuus kuus yar yar ama wax burooyin yar yar la moodo oo ku yaala carabka qaybtiisa xaga dambe, mana laha wax xanuun ah ama cun cun ah. aad baad u mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal: Kuus kuus yar yar oo ku yaala carabka qaybtiisa dambe?
Post by: SomaliDoc on April 23, 2013, 02:19:20 PM
Kuuskuuska ka soo baxo carabka qeybtiisa dambe wax badanaa keeni karo, qaar xanuuno culus ayay noqon karaan, qaarne way iska baab'aan oo wax dhib leh maahan ee fadlan la xiriir takhtar ku taqasusay cunaha haddii kuuskuuskaan ay xanuun kugu hayaan, ama soo badanayaan ama ay soo weynaanayaan ama dhibaato kalaba ay keeneen.

In la arko ayay u baahan tahay si loo ogaado.