Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on August 07, 2015, 09:58:36 PM

Title: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: m.mo141 on August 07, 2015, 09:58:36 PM
ASC Doctors salaan ka dib magaceyga wa Mohamed Joga SOMALIA

waxan guursaday JUNE 2014

AUGOST 2015 ayaa HOSPITAL tagay waxaan iska qadaay DHIIG , SHAHWO , KAADI

waxa la i dhahay waxaaa qabta INFECTION iyo BIYAHA SHAHWADAADA WAA %20 waxaa la i dhahay RAGA Waxaa laga rabaa %100

Marka Dhaqtarka wuxu i qoray daawo INFECTION , wuxu i dhahay markaad so  dhameesto ka imaw waxaa qaadane daawo

taranka ah o soconeyso 3 biloood .

waxaan rabaa BIYAHA shahwadayda maxaa ka dhigay %20 ?

Madhalees maan ahay ???

Maxaane sababo inay %20 ay noqdaan shahwadayda  ?
Title: Re: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 maxaa sababay
Post by: Ayanleh on August 07, 2015, 10:44:07 PM

 maxuu ujedda  ma inta active ka ah ayaa 20% ah ? mise biyaha ayaa yar ? meesha wax ka qaldanyihiin sifiican usoo waydii
Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: SomaliDoc on August 09, 2015, 12:43:02 AM
Inkastoo su'aashaada aysan waadix ahayn, maxaa yeelay waxyaabo badan ayaa shahwada laga baaraa, percentage ahaan ayaa badanaa loo sheegaa marka midka aad ka wadid, magaran karo.
Waxa intaa sii dheer wax laga rabo 100% oo shahwada laga baaro ma jiraan, badanaa waxaa la dhahaa wixii intaas percentage ka badan waa normal, wixii intaa kayarne waa abnormal oo ah macnaheeda cillad ayaa jirto.

Si aad fikrad uga qaadatid sida shahwada loo baaro, qoraalkaan akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5340.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5340.0.html)

Waxaa kaloo qoraalkaan ka akhrisataa noocyada shahwo yarida iyo sida loo baaro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3284.msg10001.html#msg10001 (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3284.msg10001.html#msg10001)

Waxaa kaloo qoraalkaan ka akhrisataa waxa keeno shahwo yarida ama xawo yarida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2205.msg6969.html#msg6969 (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2205.msg6969.html#msg6969)

Haddii aad qoraaladaan akhrisatid oo aad fahantid waxa laga waday 20% aad noo sheegtay, fadlan noo waadixi.
Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: m.mo141 on August 09, 2015, 02:04:52 PM
dhartarka wuxuu i dhahay BARASTAATAHA Aya cilad qabo

iyo shahwadaaada waxay mareysaa %20

waxa lagu siiina daawo 3 biloood soconayso o kordhineeso shahwada
Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: m.mo141 on August 09, 2015, 02:38:34 PM
waan haaya wrqada SHEYBAARKA wan sawiray lkn Maso dhigi kari PAGE ka lkn qoraalka ayaan kuso qoraa siday u qoran tahay

SPERMA EXAM

1.quantity : 1Ml
2.Reaction : alkal..... INTAAN QORAALKA wan FAHMI LA AHAY
3.Viscosity : nne........
4.Counting : 10 ml
5.Motile Active : 20%
6.Slagish Imote : 70%
7.Immotle 10%
8.Head :    n
9.other Cells : W.b.c nuns...........


Intaan ayaa ku qoran Warqada Sheybaaarka doctor
10
Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: SomaliDoc on August 10, 2015, 11:01:03 AM
Sida jawaabta ka muuqato, cilladaadu waa dhaqaaqa ama xawaaraha uu ku socoto xawada oo ah waxyaabo aad u yaryar oo aan ishu arki karin oo shahwada ku jirto, howshoodu way inay bacrimiyaan ugxanta dumarka.
Haddii socodka ama dhaqaaqa shahwadu ay ka yaraato 25% percent waa cillad u baahan in al xalliyo, sida caadiga ah waxaa la rabaa in ay ka badato 50%, dadkane way ku kala duwanaan karaa, dad baan 55%, dad baa 60% ah dad baa 70% ah, laakiin ma jirto wax la yiraahdo 100%.

Waxyaabaha socodka xawada yarayn karo waxaa ka mid ah, haddii infekshan qanjirka prostateka jiro ama infekshan xiniinyaha ah, waa in la daaweeyaa infekshanadaas haddii ay jiraan, kadibne waxaad qaadan kartaa daawooyin fitamiinno ah oo caawin kara sarane u qaadi kara tayada shahwada, cilaldaadu waa tayada shahwada ee ma jirto cillad kaa haysato xagga tirada shahwada.
Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: m.mo141 on August 10, 2015, 11:44:21 AM
Masha allah THANKX aad ayaa u Mahadsan tihiin Bahda SOMALI DOC

Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: m.mo141 on August 11, 2015, 10:49:03 PM
DOCTOR daawooyinka aan qaadayo ma ii sheegi kartaaa
Title: Re: Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?
Post by: SomaliDoc on August 12, 2015, 12:46:10 PM
Daawada waa in dhakhtarka aad la xiriirtid kuu qoraa, halkaan daawo lagama qoro.