Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamudtoll on February 22, 2016, 07:18:18 PM

Title: Su'aal: Hooyadey ayaa waxay aaminsan tahay?
Post by: Mohamudtoll on February 22, 2016, 07:18:18 PM
Assalamu Caleykum Dhamaan Dhakhatiirta isku howlay in ay Caawiyaan Walaalahooda.

SU,AAL:- Hooyadey ayaa waxay aaminsan tahay in ay Qabto Xanuunka loo yaqano GAAS, waxayna Isticmaashaa kaniiniga Omeprazole muddo 15sano ah, marka laga baaray H.pylorina Negative ayay noqotay, hadda hooyo wey sii baaba,eysaa, mala dhihi karaa Kaniiniga ayaa ka batay? Talo iga siiya. Thanks
Title: Re: Su'aal: Hooyadey ayaa waxay aaminsan tahay?
Post by: SomaliDoc on February 28, 2016, 05:13:27 PM
Waxaa la ogaan karaa markii hooyo dhakhtar uu arko, waxa ay dareemayso in waxyeello daawada ay tahay iyo inuu xanuun kale jiro, midda kale daawo muddo intaa la joogteeyo ma jirto, waxaa dhici karto in hooyo ay cillad kale oo caloosha ama mindhicirradu hayaan.
Akhriso qoraallo ku saabsan gaaska:
Xanuunka gaaska iyo waxa keeno iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
Cunnooyinka u roon gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html)
Gaaska iyo Stress-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6391.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6391.0.html)

Fadlan qoraalka ugu dambeeyo safiican u akhriso.