Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on April 01, 2008, 01:56:07 AM

Title: Maxay Saaxiibadu iyo Reerku Samayn karaan inay i Caawiyaan?
Post by: SomaliDoc on April 01, 2008, 01:56:07 AM
Dadka diiqsani had iyo jeer way ka fogaadaan saaxiibada iyo qaraabada, intii ay caawimo waydiisan lahaayeen. Si kasta ha ahaatee xiliganu waa markay aad kaalmo ugu baahanyihiin. Sida ugu fiican ee reerka iyo asaxaabtu samayn karaan inay caawiyaan qofka xanuusanaya, waa inay u tilmaamaan siday daawayn u raadsan lahaayeen. Dabeecada xanuunka diiqadda ayaa sababaysa in qofku isu arko mid aan qiimo iyo rajo lahayn, taasoo iska hortaagaysa inuu kaalmo raadsado.

Kaalmaynta qof saaxiiba ama ehel ah waa fursad aad u fiican sidii aad u dhisi lahayd cilaaqad ku raali galinaysa. Hasa yeeshee waa shaqo aad u culus. Waxaad dareemi kartaa ciriiri mar marka qaarkood hadii aanad naftaata daryeelin. Waxa dadka xanuusanayaa u baahanyihiin qof daryeela. Waxaad ku tusi kartaa in aad daryeelaysid adoo si naxariis ku jirto u dhegaysanaya, adoo qadarinaya qofka ama adoo waqti ku luminaya inaad ag joogtid. Waxaad ku kaalmayn kartaa adoo ku dhiiri gelinaya inay ka hadlaan siday dareemayaan, ama in aad ka caawiso wixii ay qabsan karaan, ama wixii ay noloshooda ka bedeli karaan, si xanuunka diiqadda ula macaamili lahaayeen.

Hadii qofka xanuunka diiqadda qabaa aad u xanuusanayo, waxa laga yaabaa inaad ku khasbantahay in aad go’aano adag gaarto wixii aad dhinacooda uga qaban karto. Hadii, masalan, aanay gacantooda wax ku qabsan karayn, miyaad wax u soo iibisaa, u karisaa, u nadiifisaa, hadii aad awoodid? Mise waad ku dhiiri gelisaa? Jawaab sahlani ma jirto xaaladan. Waxa ku caawin kara hadii aad helaysid qof aad arimahan kala tashato, iyo wixii arimo kale ahba.

Marka aad saaxiib ama ehel daryeelaysid waa inaad isku daydaa in aanad ku canaanan xanuunka diiqadda, ama ku oran ‘naftiina hagaajiya’. Waxa ay u dhowdahay inay canaanayaan naftooda, markaa canaantu waxay u sii kordhinaysaa inay sii diiqaan (xanuusadaan). Amaantu way ka fiicantahy oo ka wax tar badantahay canaanta. Waad xasuusin kartaa inay suurogal tahay in naftooda hagaajiyaan, laakiin waa in aad si naxariis iyo daryeel ku jiro u dhahdaa.

Waa muhiin in aad baahidooda u feejig naato. Tijaabi in aad daryeelka saaxiibka ama ehelkaa musuuliyadeeda la qaybsato dad badan. Tijaabi in aad hesho dad aan walwalkaaga u sharaxdo.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0)
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=890.0)
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=897.0)
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=909.0)
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=910.0)
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=915.0)
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=916.0)
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Wixii su'aal ah halkaan ku weydii
SomaliDoc