Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hawa omer on January 16, 2017, 07:15:17 AM

Title: Su'aal: Raajo iyo scan badan?
Post by: Hawa omer on January 16, 2017, 07:15:17 AM
Asc waan idin salamay dhaman doctor ad asida fiican ugu hawlan inay bulashada somaliueed afkooda hooyo ku qanciyan
Inta kadib su, aal fudud ayan wada inaad dhakhso igu soo jawBtana waan rajeenaya insha allah

Su, aasha maxay tahay khatarta raajo badan iyo scan badan hadad isa saarto sanadkii hore laba mar ayan marka scan isa saaray laabta ah iyo raajo feedhaha ah waxana u dhaxeeyey lix bilood lixbilood kadib oo hada ahna waxan sameenaya raajo naaska ah iyo scan madaxa ah wax dhibaato ah ma I kénaya waana laga fursan waayey in la sameeyo mahdsanid.
Title: Re: Su'aal: Raajo iyo scan badan?
Post by: SomaliDoc on April 21, 2017, 08:24:01 PM
Raajada ama sawirka jirka waxyeello jirka uma gaysto haddii aanan muddo dheer oo isku xigxiga shucaaca raajada jirkiisa gaarto, waxyeellada waxay noqon kartaa kansar maqaarka ah inkastoo fursadda in kansar raajada laga qaado ay aad u yartahay, u baahnaanshaha raajada uu takhtarka kuu dirayo iyo inta jeer lagu saarayo isagaa kuu xaddidi doono waana lagu kala duawanaan karaa.
Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan shucaaca raajada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1841.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1841.0.html)