Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on April 29, 2017, 06:08:13 AM

Title: Su'aal: Jir Xanuun subaxii?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on April 29, 2017, 06:08:13 AM
Dr Asc ugu horreyn wan kaga mahad celinaya shaqada aad si mutodawacnimada aad uga hayso bulshadaada . inta kadib ,
Dr waxan Ku weydiinayaa suaal oo Ku sabsan saaxibadayda ama  haweentayda Dr subaxii ma toosi karto dhib ayan hurdada uga kiciya waayo ilaa jirka u riix riix ma kacdo.

maxay ka sheegataaa?


waxa ay ka sheegataaa jir xanun gaar ahaan iyo guud ahaanba,

kadib ilaa intee ay ka sheegataa jir xanunka?

ilaaa saddex week jir xanunkeda ma ahan mid sii jira ilaa muddo, lkn marka ay ka toosto hurdada in cabaar ah bay is rogrogaysaa yaa igu jogjoogsada bay tiraahda

meelaha caajiska ama jirka xanuuno halke u daran?

dr waxa u badan dhabarka qaybta gadaal misigta, boodaha, xoogga hoose lugaha ilaa cagaha calaacashood. intaas ayaa ka kici la dahay in muddo ah ilaa muddo 20, beri .

wax daawooyin ma qaadataa imisa jir weye wax uur ah majiraan?


Dr da'da waa 23
weight waa 78_81
No pregnancy

Dr tallowacanow adiga kasugayaa talo.
mahasanid.
Title: Re: Su'aal: Jir Xanuun subaxii?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2017, 07:52:41 PM
Qofka oo ka soo kaca isagoo aad u daalan subaxii una baahan in la duugo si uu firfircooni u helo waxay tilmaan u tahay cillado badan oo kala ah:
1- Hurdo yari ama hurdo xumo
2- Jirka oo daalan hurdada ka hor
3- Diiqad ama welwel
4- Qofka oo oksajiinta ku yaraato cillad hawo mareenka ah, khuurada iyo qolka hawadiisa oo yar.
5- Dhiigyarida
6- Cillad murqo xanuun keenta oo qofka u qarsan sida cudurka thyroid-ka oo lagu garto caajiska badan iyo daalka, kuna badan haweenka.

Waxaa kaloo jiri kara waxyaabo kale oo intaa ka baxsan, sidaa darteed waxaa muhiim ah in qofka la wareesto si loo kala sooco cilladahaan, loona ogaado ina astaamo xanuun kale ay jiraan markaas ayaa talo ku haboon qofka la siin karaa.

Isku day inaa dhakhtar la xiriirisid si loo waraysto, loona baari haddii xanuun laga shakiyo.
Title: Re: Su'aal: Jir Xanuun subaxii?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on September 14, 2017, 08:41:27 AM
Aad ayaa u mahadsanatahay doc.jawaabtada wacan waan helay.ilaah hakaaga badelo khyr badan.