Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on December 26, 2016, 11:19:06 AM

Title: Su'aal: Jiifka iyo furaashka ku haboon?
Post by: Diihaal Guuto on December 26, 2016, 11:19:06 AM
Asalaamu caleykum.

Joodariga aadka u jilicsan ee dabacsan iyo kan adag een kuu diismeyn midkoodeebaa caafimaad ahaan wanaagsan? wax farqi cafimaad ahi se ma u dhexeeyaan?.

Anigu waxaan isticmaalaa mid dabacsan lkn waxaan la soo tosaa bur bur iyo dhabar xanuun yar oo isleeyahay waxaa kugu kenay jodarigan dabacsan,
Title: Re: Su'aal: Jiifka iyo furaashka ku haboon?
Post by: SomaliDoc on March 18, 2017, 02:48:47 PM
(http://somalidoc.com/Topics/joodari.png)

Bimsillah,

Joodariga ama furaashka tayada leh waa laga maarmaan si aad u heshid hurdo raaxo leh iyo caafimaad.

Siyaabo kala duwan ayaa loo sameeyaa joodariga, qaar waxaa laga sameeyaa isbuunyo kala duwan, qaar waxaa laga sameeyaa biro moollo ah, qaar waxaa laga sameeyaa cinjir, qaar waxaa laga sameeyaa dhareerka gel-ka loo yaqaano, qaar kalane waxaa laga sameeyaa biyo aam hawo.

Mid walba wuxuu leeyahay waxtar gooni ah, qaarkoodne cudurrada qaar ayaa lagu daaweeyaa ama looga hortagaa dhibaatooyin caafimaad oo hor leh.

Sidaa darteed waa muhiim in aad aqoon u leedahay joodariga aad isticmaashid nuuciisa iyo tayadiisa iyo inuu dhib leeyahay iyo in kale, waxaana qoraalkaan ku soo qaadan doonaa 4 nuuc oo jaadariyada ka mid ah oo badanaa la isticmaalo iyo mid walba faa'idada uu leeyahay.

Joodariga waxaa loogu talagalay inuu caawiyo qallooca dhabarka, garbaha, sinaha, cirbaha iyo madaxa si aysan xanuun murqaha, seedaha iyo lafaha aad uga badbaadid.

Hadduu joodarigaagu uu yahay mid adag, wuxuu cadaadis kaa saarayaa meelaha jirkaagu ka fiiqan ayahay "pressure points", wuxuna kaa lumayo qaab-muuqaaleedkii dabiiciga ahaa ee jirkaaga. hadduu jilicsan yahayne, jirkaagu wuu ku dhex dhacayaa oo qallooc ayaa ku galayo, taasina caafimaad darro ayay keentaa sida dahbar xanuun, kor-burbur iyo hurdo xumo.

Sidaa darteed waa inuu joodarigu ahaado mid aan adkayn, aadne u dabacsanayn si aad uga badbaadid xanuunada laga dhaxlo furaashyada qaarkood.


Joodariyada afartaas nuuc loo sameeyay ayaa caafimaad ahaan jirka u roon, sababtoo ah sida an kor ku soo tilmaannay, ma ahan adeeg sida dhulka oo kale oo cadaadis saarayo jirka meelaha uu ka fiiqan yahay sidan sinaha, garbaha, jilbaha iyo qoobabka. mana hana jileec hoos u diismayo oo jirka qallooc galinayo, kadibne aad la soo toosaysid dhabar xanuun iyo murqo xanuun.

Haddii aadan heli karin nuucyada halkaan ku xusan, ku dadaal in joodarigaagu uusan ahayn mid aad u jilicsan oo markaad ka soo toostid, weli jirkaagu uu ku sawiran yahayn, muddo markaad ku jiiftidne uu dhexda god ka noqonayo, kaasi caafimaadka uma roona. waxaad kaloo iska ilaalisaa nuuca aadka u adaga oo aadan dareemaynin in aad joodari ku jiiftid iyo in kale ilaa inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.
Nuucyada badanaa dalka la keeno waa nuuca isbuunyada, laakiin qaar badan oo ka mid ah ma lahan tayo oo maalmo ka dib, way isbadalaan. waxaana laga qaadaa dhabar xanuun iyo caajis badan.

Akhriso: DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLO DHAFARKA: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0)
Haddii aad su'aalo qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)