Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ceynte87 on March 23, 2017, 12:53:34 AM

Title: Su'aal: Waa Maxay Cudurka dermatosis papulosa nigra?
Post by: Ceynte87 on March 23, 2017, 12:53:34 AM
dermatosis papulosa nigra.
 
cudurkan maxa af-somali ahan loo yaqanaa?
muxuu yahy?
ma mid dhaxal ku yimadaa?
side loo daawayn karaa?

waxan ku arkay gabar walshyda ah, wuxuu ugu yalaa daanga agtiisa waxadna modaa inuu jirka ku faafayo oo daanga ayu soogali rabaa.
waxan rabaa inaa wax badan ka ogaado
aadb ayad umahd santhn
Title: Re: Su'aal: Waa Maxay Cudurka dermatosis papulosa nigra?
Post by: SomaliDoc on July 02, 2017, 10:53:31 AM
Waa nuuc ka mid ah cilladaha maqaarka, waxaana loogu magac daray dadka madmadaw ee ku nool maraykanka maadaama boqolkiiba 35% dadkaasi uu ku dhaco, cilladdaan magaceeda waxay ka kooban tahay 3 eray: Dermatosis: maqaarka, Papulosa: nabar kuus ah, Nigra: Dadka madmadaw.

Waxaa maqaarka ka soo baxo nabro sida roqorta ama honqorta oo kale ah, wax dhiba ahne ma keenaan, daawane looma qaato, ragga iyo dumarkane wuxuu ku badan yahay dumarka, dadka madmadaw kaliya ayaana lagu arkaa.

Maadaama muuqaalkiisu ay dadka qaar dhibsadaan, waa laga hoolaa maqaarka qurux ahaan, waxaana howshaas sameeyo dhakhaatiirta qaabilsan qurxinta jirka "Cosmetic Sugeons", waxaa la aaminsa yahay inay dhaxal tahay, laakiin weli lama xaqiijin.