Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maama Saarah on July 03, 2012, 07:48:41 PM

Title: Su'aal: Thyroidka howlgabka ah?
Post by: Maama Saarah on July 03, 2012, 07:48:41 PM
marka hore waad salaaman thn waadna ku mahadsan thn howsha aad u haysaan bulshada soomaaliyeed waxaan rabay inaan ogaado waxa  keena howl gabnimada thyroidka.
Title: Re: Su'aal: Thyroidka howlgabka ah?
Post by: SomaliDoc on November 03, 2012, 10:48:00 AM
Howlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka hormoonka toroodh ee "Thyroxine" uu hoos u dhacay. taasoo keento calaamado dhowr ah oo ay ugu horreyso: tabardarri, misaanka oo kordha, saxaro adeeg, murqo xanuun, maqaar qalleyl, timo danbas iyo dareemis qabow.
Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini badala hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno "thyroxine" oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan.

Howlgabka qanjirka thyroidka waxaa keena:
1- Caabuq ku dhaca qanjirka oo dila unugyadii soo saari lahaa hormoonka
2- In qof qabay kacsanaan qanjirka thyroidka ah la siiyay daawo badan taasoo keentay in uu howlgabo
3- In qofka uu ku yaryahay jirkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano "Iodine".
4- Qanjir kale oo maskaxda ku yaallo loona yaqaanno "Pituitary" shaqadiisane ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarne siiyo qanjirkaan thyroidka oo cilladaysan.
5- Daawooyinka qaar.
6- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjirka shaqadiisa way yaraataa.
7- Mida ugu dambayso waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabkaan haddii hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada "Iodine" ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe.

Waxaa kaloo halkaan ka akhrisan kartaa qoraal ku saabsan markuu qanjirka kacsan yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)