Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 17, 2016, 10:19:16 PM

Title: Halista Daawooyinka lagu daro Cillaanka
Post by: SomaliDoc on April 17, 2016, 10:19:16 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dalwandi.png)

Maanta waxaan ka hadlaynaa arrin kaloo bulshadu aad u isticmaasho halisna ku ah caafimaadkeeda, waana daawooyinka cillaanka lagu daro oo soomaalidu qaar u taqaano "Dalwandi" iyo "mahlabiyad" afka qalaadne daawooyinkaas waxay ka siman yihiin kiimikada loo yaqaano "Paraphenylenediamine" loona soo gaabiyo "PPD".

Waxaa daawadaan cillaanka loogu darsadaa si ay midabka dhakhso u soo saarto, cillaankane uga dhigto mid tiq ah.

Daawadaan waxaa badanaa lagu soo daraa madoobeysada la marsado, waxaa kaloo lagu daraa khadka daabacadda dharka iyo dunta laga sameeyo taayarrada gawaarida.

Daawadaan kiimikada ah waxay leedahay halis caafimaadka u daran, waana muhiim in qofkasta oo isticmaalo ogaado, marmarka qaar halisteeda waa loo dhiman karaa.


Halista kiimikadaan waa mid mar hore la ogaaday oo joogto looga digo, wadamo dhowr ah sida jarmalka, Sweden iyo faransiiska waa ka mamnuuc in lagu gado waxyaabo jirka lagu qurxiyo in lagu daro daawadaan.
Jarmalka wuxuu mamnuucay sanadkii 1900-kii.
Faransiisku wuxuu mamnuucay sanadkii 1909-kii.
Sweden waxay mamnuucday sanadkii 1964-tii.

Dad badan ayaa waxay isoo waydiiyaan, waxyaabaha aad ka digtid wadamo badan ayaa laga isticmaalaa ee haddii halistaas ay leeyihiin maxaa loo joojin waayay?

Su'aashani waa muhiim inkastoo dadka isoo waydiinayo aysan ogayn in waxyaabo badan oo hubaal ah in cudurro keenaan oo loo dhinto in la joojin waayay taasoo dowladaha qaarkood aysan awood u lahayn in ay ka hadlaan iyagoo fiirsanayo danooyin kale, tusaale ahaan sigaarka waa shay la hubo inuu kansarka sambabka keeno oo sanad kasto u dhintaan boqolaal kun qof, khamriga sidoo kale, sanad kasta waxaa beerka u beelo malaayiin qof, laakiin shirkadaha sameeyo lalama hadli karo oo dowladaha qaar wayba ka awood badan yihiin oo canshuurta laga qaado ayaaba lagu tiirsan yahay, waxaa kaloo ka mid ah cabitaannada qaar sida coca-colada oo iyadane diraasado dhowr ah lagu hubiyay halisteeda caafimaad laakiin dowlad ku dhiiran karto in ay joojiso ma lahan.

Marka waa in aad ogaatid waxyaabo badan oo halis kugu ah in umado kale ay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha laga sameeyo oo si sahlan uma joojin karaan dowladaha ka macaasho iyo kuwa danaha gaarka ah leh, fadlan noqo qof wacyigiisu sareeyo oo fahmi karo dantiisa iyo danta qoyskiisa.

Akhriso Halista Shiishiidka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0)
Akhriso Halista Maraq Digaaga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6853.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6853.0)
Akhriso Halista Coca-colada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5964.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5964.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)