Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 14, 2016, 01:18:59 PM

Title: Hooyooyinka iyo Daryeelka Dhiciska (Qoraal Xiiso Leh)
Post by: SomaliDoc on May 14, 2016, 01:18:59 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhicis.png)

Bismllahi..

Waxaan qoraalkaan ka hadli doonaa daryeelka dhiciska iyo dowrka ay hooyada ka geysato sidii ilmaheeda u siin lahayd daryeel ku filan inta uu ka gudbayo marxaladda halista ah ee uu ku jiro.

Waxaan qoraalkaan ku bilaabayaa sheeko gaaban oo na dhex martay hooyo ila soo xiriirtay, hooyadu waxay ii sheegtay in gabadheeda ay ku dhashay isbitaal wadanka dibaddiisa ah, waxay ii sheegtay in gabadheedu ay dhashay cunug 7 bilood jiro, dhakhaatiirtii isbitaalka waxay cunugii geliyeen dhalo lagu xanaanaynayo, dhaladaas waxaa ku baxayo qarash 300$ maalin kasta, annagane ma awoodno, markaan ka codsday in ilmaha dhalada la iiga soo saarane waxaa la ii sheegay inuu la'aanteed noolaan karin, wixii ka yimaadane in aan mas'uul ka noqonayo, Aniga oo ayeeyo u ah cunuga, waxaan ku dhashay 7 bilood meel baadiyo ah, gabadhayda laftirkeeda waxay ku dhalatay 7 bilood, wax dhib ahne lama aan soo kulmin oo si dabiic ah ayaan u kornay, waxay marka iiga sheekaysay qaabkii labadoodaba loola soo tacaalay.

Marka inta aanan su'aasha hooyadaan ka jawaabin, waa in aan isla ogaannaa arrimahaan soo socda:

Dhicisku waa ilmaha oo dhasho iyagoo waqtigooda aanan dhamaysan, cilladaha ugu badan ee dhicisku la kulmo ama u dhinto waa saddax mid:


Marka labada cillad ee kore, waa lagula tacaali karaa guriga haddii ay hooyadu tahay qof taxaddar badan, aqoone u leh sida dhiciska loo koriyo, laakiin haddii aysan aqoontaas lahayn waa halis in hooyadu cunuga ku xanaanayso guriga.

Sidee soomaalidii hore u daryeeli jireen dhiciska?
Waxay isticmaali jireen siyaabo kala duwan uu alle fahansiiyay khaasatan waxa ilmaha dhiciska ah laga ilaalinayo iyo waxa loogu dadaalayo, laakiin nasiib xumo hooyooyinka reer magaalka ah, aqoontaas kamaysan dhaxlin dadkii hore illaa dad yar mooyee, waana arrin muhiim u ah meelaha aysan oollin qalabyadaan dhiciska lagu xanaaneeyo.

Haddii ay hooyadu intaa u hesho ilmaheeda dhiciska ah, badanaa way badbaadaan, dhibne lama kulmaan.
Marka haddii ilmo dhicis ah aad isbitaal ku dhashid, waa in aad hubisaa in neefsashadiisu dabiici tahay, naaskane uu qabsan karo oo nuugayo inta aadan go'aansan in aad kala baxdo isbitaalka.

Ilmaha ku dhasho 7 bilood iyo 8 bilood, maxay ku kala duwan yihiin?
Ummado badan oo aan xittaa soomaali ahayn ayaa aaminsan in ilmaha ku dhasha 7 bilood inay ka rajo fiican yihiin ilmaha ku dhasha 8 bilood, oo waxaa la sheegaa in ilmaha ku dhasho 7 bilood ay badanaa badbaadaan, ilmaha 8 bilood ku dhashane ay badanaa dhintaan.
Arrintaan waa arrin cilmiga caafimaadku uu diidan yahay illaa iyo hadda, maxaa yeelay waxaa la ogyahay kullamaa ilmuhu ay u sii dhawaadaan sagaalka bilood in korriimadoodu jir iyo maskax ahaan ay sii wanaagsanaanayso, sidaas awgeed waxaa jiray dhakhaatiir arrintaan baaris ugu dhaqaaqay inay ogaadaan meesha ay fikraddaan salka ku hayso iyagoo booqasho ku tagay wadamo badan, waraysina la yeeshay hooyooyin kala duwan, waxayna ka diyaariyeen arrintaan diraasad ay ku soo gabagabeeyeen in arrintaani ay tahay khuraafat laga dhaxlay Giriiga, iyagoo kutubtooda ku qori jireen in ilmaha 8-da ku dhasho ay dhintaan, intaas kadib waxay arrintaan ka mid noqotay khuraafaatkii lagu daray buuggii Talmuudka ay yahuuda marjic diineedka u ah iyadoo loo aaminay inay tahay wax diin ahaan loo dhaxlay, sidasne dunida ugu faaftay!!, haddii aad xiisaynayso in diraasadaan wax badan ka ogaatid iyo faahfaahin dheeraad ah, ka akhriso halkaan: https://www.hods.org/pdf/8-month%20old%20Fetus%20Full%20article1.pdf (https://www.hods.org/pdf/8-month%20old%20Fetus%20Full%20article1.pdf)

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaad, fadlan iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)