Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sucaad1 on August 29, 2015, 08:31:30 PM

Title: Su'aal: Maxaa lagu babi'in karaa dhareerka caruurta?
Post by: Sucaad1 on August 29, 2015, 08:31:30 PM
Asc, waxaa idin wedinaa walaalo maxaa lagu babi'inkara dhareerka caruurta? Canug labajir ah ayaa iga dhareerayo muda sanad kabadan mala laha afkiisa cabuq calashan wax xanuun uu afka ka qabo majiro? Ilaah kheyr ha idinsiiyo.
Title: Re: Su'aal: Maxaa lagu babi'in karaa dhareerka caruurta?
Post by: SomaliDoc on August 30, 2015, 07:31:13 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhareer.png)

Waa maxay dhareerka siyaadada ah ee caruurta?
Caruurta inta ay ka gaarayaan 4 sano sida caadiga ah ma kontorooli karaan dhareerka afkooda, waalidiintu badana way dhibsadaan dhareerka badan ee caruurta khaas ahaan markii ay laba sano gaaraan.
Dhareerku waa dabiici inta ay da'daas ka gaarayaan caruurta, laakiin waxaa jiro xanuuno keeni kara dhareerka siyaadada ah, sidaa awgeed waa muhiim in ay hooyadu u fiirsato haddii dhareerka ay a socdaan cillado kale sida afka oo gaduud noqdo, carabka oo nabro leh, faruuryaha oo dildillaac ama qalleel leh, korriinka cunugga oo aan dabiici ahayn ama garaadkiisu inuu ka yar yahay caruurta faciisa ah.

Astaamaha dhareerka siyadada ah:
Dhareerka siyaadada ah wuxuu soo dhaafaa afka oo cunuga wuu ka soo daataa, dharka ayuu iskaga halleeyaa, qofka xambaarayo ama haynayane wuu dhibsadaa, marmarka qaar dhareerka wuxuu gaaraa daamanka taasina waxay caruurta qaar u keentaa in daamanku ay xasaasyad ka qaadaan weliba xilliyada qabowga.

Asbabaha dabiiciga ah ee dhareerka keeno:
Haddii cunuggu ilko u soo baxayaan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan ilkabaxa iyo hooyooyinka qaar oo ilmaha ka siibo ilkaha si ay dhareerka u joojiyaan, taasoo ah arrin qalad ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2700.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2700.0.html)
Waxaa kaloo keeni kara haddii wax liqidda cunugga uusan safiican u kotarooli karin maadaama dhareerka uu banaanka u soo baxayo, wayna ka gudbaan caruurta arrintaan.

Sidee ku ogaan karaa inuu dabiici yahay dhareerka cunugeyga?
Waxaad ku ogaan kartaa in aad u fiirsatid arrimahaan soo socdo:
Haddii su'aalahaas oo idili, jawaabtu "HAA" tahay, wax welwel ah ha isku ridin, cunugaaga wuu ka gudbi doonaa marxaladda uu marayo.

Goormaa la daaweyn karaa dhareerka caruurta?
Waxaad daawo raadsan kartaa ama dhakhtar la kulmi kartaa markii aad isku aragto wax ka mid ah su'aalaha aan kor ku soo xusay ama haddii cunugga uu afar sano gaaro isagoo weli dhareerayo.
Markaa waa laga yaabaa inuu dhakhtar talooyin ama daweynba kugu la taliyo.

Haddii aad qabtid su'aal caafimaadkaaga ku saabsan ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)