Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on March 18, 2011, 02:22:07 AM

Title: SU'AAL: SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA?
Post by: GEEDOOW on March 18, 2011, 02:22:07 AM
  SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA ? TAKHTARKEE QAABILSAN SHIGSHIGA ?
Title: Re: SU'AAL: SHIGSHIGA MAXAA KEENA ? SIDEE LA ISAGA DAAWEEYN KARAA?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2011, 08:11:16 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shigshig.png)

Shigshiga waa cillad uusan qofka si toos ah u hadli karin iyagoo aanan hadalka ka go'go'in.
Qofka wuxuu ku shigshigi karaa xarafyo ama erayo gooni ah ama uu hadalka ayuu kala jiidi karaa taasoo u muuqanayo labo jeer uu ku dhawaaqay eraygii.
Dadka badanaa shigshiga waxaa dhiba erayo gooni ah taasoo ay isku dayaan badanaa in hadalkooda ay ka ilaaliyaan, lamana fahmi karo illaa ay erayadaas ku dhawaaqaan taasoo loo yaqaanno "Covery Stammering".

Lama oga waxa keeno shigshiga laakiin waxay cilmi baarayaashu ay sheegaa in ay jiraan waxyaabo xiriir la leh shigshiga oo ay ka mid yihiin:

Shigshiga way ku kala duwnaan karaan dadka waaweyn iyo caruurta, nooca shigshiga iyo xadka shigshigaba.
Dadka shigshiga waxay caadi noqdaan markii ay heesayaan, nux-nuxleynayaan iyo markii ay dad wax la qaadayaan.

Khuraafaatka ay dadka ka aaminsanyihiin dadka shigshiga oo aynan waxba ka jirin ayaa ah n ay ka maskax yaryihiin ama ka caqli yaryihiin dadka kale.
Baaritaannada dhammaan waxay sheegeen dadka shigshiga iyo dadka aanan shigshigin in ay isku caqli iyo maskax yihiin.

Waxaa kaloo muhiim ah in aysan isku mid ahayn boobsiiska hadlidda iyo boobsiiska fikirka. hadduu qofka shigshiga uusan hadalka boobsiin karin maahan macnaheedu in fakaridda ay dhib ku tahay ama ay ku daahaan, maxaa yeelay dadka dhib ku tahay shigshigga dartiis in ay billaabaan hadalka ay u maleeyaan dadka uu u sheekeynayo in hadalka ka fakarkiisa uu ku daahay laakiin taasi sax maahan.

Ma jirto daawo shigshigga lagu daaweeyo laakiin caruurta shigshigta hadii isla markii lagu arko loo diro dhakhtar ku taqasusay luqadaha iyo hadlidda "Speach & Language Specialist". waxaa la arkay in isbadal fiican laga dareemo.

Waxaa kaloo muhiim ah in caruurta hadal baradka ah aanan lagu qoslin ama laga cabsiinin si aysan shigshig u billaabin ama ugu daahin hadlidda, taasoo keensanayso in caruurta ka dhumiso kalsoonida iyo geesinnimada hadalka.

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin, Fadlan ku soo gudbi qeybta su'aalaha.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)