Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on December 09, 2007, 01:21:35 AM

Title: Kansar (Cancer)
Post by: SomaliDoc on December 09, 2007, 01:21:35 AM
(http://www.cancer.ca/~/media/CCE/5850/ecc7d1d27275a4b9cb29cf31ea08780d.png)

Kansar waxaa keena unugyo aan caadi ahayn oo si deg deg ah u kora. Jirkaaga caadi ayey u tahay inuu unugyada duugoobay ku beddelo kuwo cusub, laakiin unugyada kansarku si deg deg ah ayey u koraan.
Unugyada kansarka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan koritaan loo yaqaanno burooyin. Burooyinka oo dhan cabbirkoodu wuu kordhaa, laakiin burooyinka qaarkoodna si deg deg ah ayey u koraan, kuwa kalena si gaabisa.

Noocyada Burooyinka
# Burooyin aan kansar ahayn. Kuwaan waxaa la yiraahdaa burooyin aan halis ahayn. Waxay ka sameysan yihiin unugyo aad ula mid ah unugyada caafimaadka qaba. Burada noocaan ah waxay isaga taallaa hal meel ah, kumana faafto unugyo iyo xubno caafimaad qaba.
# Burooyinka kansarka ah waxaa sidoo kale la yiraahdaa burooyinka halista ah. Kansarka ka yimaada burooyinkaan wuxuu isagoo u maraya dhiigga iyo habka dheecaanka jirka ku faafaa qaybaha kale ee jirka.
Marka uu kansar faafo, waxaa loo yaqaannaa "metastasis". Unugyada kansarku waxay ku safraan jirka iyagoo ka imaanaya burada, loona yaqaanno meesha aasaasiga ah, kuna faafaa qaybaha kale ee jirka.

Noocyada Kansarka
Waxaa jira noocyo badan oo kansar ah.
# Karsinoma (carcinoma) waa nooca ugu badan ee kansarka. Kansarrada sanbabka, xiidanka weyn, naaska, iyo ugxansiduhu badanaa waa noocaan.
# Sarkooma (sarcoma) waxaa laga helaa lafta, xajiga, baruurta, iyo muruqa.
# Lymphoma wuxuu ka billowdaa qanjirada sameeya habka difaaca jirka. Waxaa ka mid ah Hodgkin's iyo Non-Hodgkin's Lymphomas.
# Luukiimiya (leukemia) wuxuu ka billowdaa unugyada dhiigga ee ku kora dhuuxa lafta waxaana tirooyin badan iyagoo ah laga helaa marinka dhiigga.

Calaamadaha Kansarka
Calaamadaha kansarku waxay ku xiran yihiin nooca iyo meesha ay buradu ku taallo. Iyadoo kansarrada qaarkood, laga yaabo in aysan jirin wax calaamado ah ilaa iyo inta ay buradu ka weynaanayso.
Calaamadaha caamka ah waxaa ka mid ah:
# Dareemid daal aad ah
# Jirka oo misaan kadhaco iyada oon la'ogyn sababta
# Qandho, qar-qaryo ama dhidid habeenkii ah
# Gaajo la'aan
# Raaxo la'aan jir ahaaneed ama xanuun
# Qufac, neefta oo kugu gaabata ama feero xanuun
# Shuban, ama dhiig saxarada soo raaca
Marka kansar la ogaado, baaritaanno ayaa la sameeyaa si loo arko haddii uu kansarku ku faafay qaybaha kale ee jirka. Sawirro, raajo iyo baaritaan dhiig ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuxuu go'aansan doonaa daryeelka loo baahan yahay isagoo ku saleysan:
# Nooca kansarka
# Sida ugu dhakhsaha badan ee uu kansarku u korayo
# Inuu kansarku ku faafay qaybaha kale ee jirkaaga iyo in kale
# Da'daada iyo caafimaadkaaga guud

Daaweynada kansarka ee ugu badan waa:
# Qalliin meesha laga saarayo burada iyo unugyada u dhow
# Daawo kiimiko ah si hoos loogu dhigo ama loo baabiiyo koritaanka ama loo yareeyo unugyada kansarka
# Daawooyin kale si loo daaweeyo saameynada liddiga ah, laguuguna caawiyo in aad si wanaagsan u bogsato
Halkaan ka akhriso saamaynnada liddiga ah ee daaweynta kaankarada (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1663.0.html)

Ka Hortag
Waxaad halista kansarka hoos ugu dhigi kartaa adigoo:
# Aan sigaar cabbin ama isticmaalin tubaako/buuri
# Isticmaalaya qorrax celiye, koofiyado iyo dhar si aad maqaarkaaga u dhowrtid markaad dibedda joogtid
# Ka fogow cabitaanka aalkolada
# Yareeya cunnooyinka dufanku ku badan yahay ee aad cunto, gaar ahaan kuwa xoolaha ka yimaada
# Adigoo cunaya furuto, khudrad fara badan iyo cunnooyinka qamadidu ku sarreyso
# Adigoo jir ahaan noqonaya mid fir-fircoon
# Takhtarkaaga u tag sanad kasta. Baaridda kansarku waxaa laga yaabaa in ay caawiso in kansarka la ogaado waqti hore, si fududna loo daaweyn karayo.

MACLUUMAAD DHEERAAD AH OO KU SAABSAN KANSARKA (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1073.0.html)

Wixii su'aalo dheeraad ah ee ku saabsan cashirkan, halkaan ka weydii
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)