Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 06, 2011, 08:04:50 PM

Title: Is-baadhka Xiniinyaha (Testicular Examination)
Post by: SomaliDoc on May 06, 2011, 08:04:50 PM
(http://www.csulb.edu/divisions/students/hrc/images/testicular_diagram2.gif)Is-baadhka Xiniinyaha (Testicular Examination)

Raggu waa inay baadhaan xiniinyahooda bil kasta laga bilaabo marka ay yihiin tobneeyo-jir. Kaansarta ku dhacda xiniinyaha badanaa waa la daweyn karaa haddii goor hore la helo.

Talaabooyinka
1. Ka dib marka aad qaadatid qubays ama maydhasho diiran, hor joogso muraayad. Eeg wax barar ah oo ku yaalaa agagaarka xiniinyaha.
2. Isticmaal labada gacmood si aad u dareentid xiniin kasta. Farahaaga saar hoosta xiniin kasta iyada oo suulashaadu dusha saaran yihiin.
3. Si tartiib ah xiniin kasta ku wareeji suulashaada iyo farahaaga. Dareen wax buro ah. Waa inaanad dareemin wax xanuun ah marka aad tan sameynaysid. Waxa aad dareemi doontaa wax jilicsan oo aad tuubo moodid oo ka dambeeya xiniinta, kaasoo kaydiya isla markaana qaada manida.

Isla markiiba u tag dhakhtarkaaga haddii aad leedahay:
# Meel kuusan ama buruq
# Xiniin weynaatay ama yaraatay
# Dareen ah culays ama qadar weyn oo ah dheecaan oo ku jira maqaarka ku wareegsan xiniinyaha
# Xanuun ah xiniinyaha, cawrada ama caloosha
# Naaso danqanaya ama weynaaday

La hadal dhakhtarkaaga haddii aad qabtid su?aalo ama walaac ku saabsan is-baadhistaada.
SomaliDoc