Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maskaxda => Topic started by: SomaliDoc on March 27, 2008, 02:07:51 AM

Title: Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
Post by: SomaliDoc on March 27, 2008, 02:07:51 AM
(http://somalidoc.com/Topics/niyadjab.png)

Niyadjabka waxaa loola jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo ciriri nafsadda ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofka uu hayo niyadjab, haba yaraadee ma jiraan wax uu dareen wanaagsan oo farxad geliya ka helayo. Qofka niyadjabku hayo inuu hawl bilaabo way ku adag tahay, si dhakhso ah ayuuna u daalaa. Inta badanna way ku adag tahay inuu go’aan gaaro. Waxaa sidoo kale ku adag inuu qalbigiisu u soo jeedo tusaale ahaan waxbarashada, wax akhriskaba iyo howlaha guriga.

Qofka niyadjabku hayo hurdo xumo ayuu badannaa leeyahay, waana wax iska caadi ah in waqti hore ay hurdadu ka dhamaato. Qofka niyadjabku dhibaatada ku hayo hurdada inuu helo ayaa mararka qaar ku adkaata, ama hurdo fiican ma seexdo, oo marar badan ayuu toosaa. Mararka qaarkood niyadjabku wuxuu leeyahay hurdo aad u badan, cunto xumo iyo culayska qofka oo hoos u dhaca.

Qofka niyadjabku hayo inta badan wuu dabci kululaadaa, waxaana dhici karta inay ku adkaato inuu dadka la joogo. Sidoo kale waa wax caadi ah inuu qofku nafsadiisa aad u eedeeyo. Qofku wuxuu kaloo isku arkaa xanuunno jirka ah oo kala duwan, sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun iyo dhabar xanuun, daal iyo tabardarri, hilmaan badan iyo tinta oo daadato.

Diiqaddu waa qeexid caafimaad oo koobaysa waxyaalo badan oo ku saabsan ciriiriga nafta. Sideeda ugu sahlan diiqaddu waxay kugu keeni kartaa niyad-jab, kaa soo iska kaa hortaagaya noloshaada caadiga ah. Wax kasta waxa ay kugu adkaanaysaa, kugu noqonaysaana mid aan qiimo badnayn. Markeeda ugu xun, diiqaddu nafta khatar bay gelisaa. Waxa laga yaabaa inaad awoodaada nololeed dhimato.

Dad badan oo diiqadaysani waxay la kulmaan kacsanaan (isku buuq). Kacsanaanta badanaa waxaa la socdo xanuun jirka laga dareemo. Kuwa kacsani waxay haystaan maskax aad mashquul u ah, feker soo noq-noqda. Kuwan oo sababi kara in ay kugu adkaato in aad nasato, ama seexato. Mudadda dheer kacsanaantu waxay keentaa daal jirka ah, iyo cafimaad xumo guud. Murugada, diiqadda ama niyad jabka waxay waxyeelaysaa qofka niyadiisa.

Maxaa Keeno Diiqada / Niyadjabka?
In la fahmo waxyaabaha niyadjabka keeno waxay qeyb wayn ka qaadataa in xal la helo, waxayna ka hortagaysaa khaladaad badan oo bulshadu aaminsan tahay. dad badan ayaa aaminsan in niyadjabku uu ku dhaco dad gooni ah, waxaa kaloo la aaminsan yahay in niyadjabku uu ka tarjumayo iimaanka qofka iyo alle ku xirnaantiisa.

Astaamaha niyadjabku waxay yimaadaan markuu khalkhal galo dheecaannada u kala goosha ama dhambaal-sidayaasha maskaxda, afka qalaadne lagu dhaho "Neurotransmitters", daawooyinka loo qaato niyad-jabkuna waxay saxaan dhambaal sidayaashaas khalkhalay, waxyaabaha khalkhal galin karo arrimahaas waxaa loo kala qeybiyaa 5 qaybood:

Sidee loo ogaadaa niyadjabka?
Waa muhiim in qofka xanuunsan lala yeesho waraysi dheer si loo ogaado niyadjabkiisa nuuca uu yahay iyo meesha salka uu ku hayo, waraysigaas ayuu dhakhtarka ku garan karaa in sababtu ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha aan kor ku soo xusay.

Sidee loo daaweeyaa niyadjabka?
Daawayntu waxay ku xiran tahay in la ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambayso niyadjabkaaga, haddii ay xanuun jirkaaga ku jiro ay tahay waa in baaritaanno lagugu sameeyaa, haddii ay ka dhalatay nafaqo darro ama khalkhal hormoonnada ah iyadane waa in daawo lagu saxaa, haddii ay ka bilaabatay xaalado halis ah oo ku soo maray ama raad nafsi ah kugu reebay waa in iyadane lagula tacaalaa sheekaysi, tusaalayn iyo haddii laga maarmi waayo daawayn. Qoysku waxay dowr wayn ka ciyaari karaan ka kabsashada diiqada haddii ay aqoon u yeeshaan qofka sida loo hayo, hooyooyinka la iil darran xanuunkaan waa in kaalmo ka helaan xubnaha kale ee qoyska si loola qeybsado culeyska saaran.

Alle ku xirnaanshaha iyo diiqada
Alle SWT ayaa keena cudur walba isagaane qaadi kara, qofka xanuunsan waa inuu Alle ku xirnaado, taasi macnaheeda maahan in xanuunada qaarkood kaliya in duco iyo quraan lagu daaweeyo, kuwa kalane daawo kaliya loo raadsado, laakiin taladu waa inaad daawo iyo Alle talasaarasho isku dartid, Akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadalnay xiriirka ka dhaxeeyo Alle-bariga iyo Murugada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2845.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2845.0)

Farriinta Casharkaan:
Mawduucaan waa mid aad u ballaaran, halkaanne laguma soo koobi karo laakiin hadafta casharkeenu waxaan ku soo koobi karaa fariimahaaan soo socda:

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=890.0)
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=897.0)
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=909.0)
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=910.0)
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=915.0)
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=916.0)
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan? (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=917.0)

Wixii su'aalo aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0), haddii aad jeceshahay in dhakhtarka kala sheekeysatid xanuunkaaga, ku soo biir barnaamijka "dhakhtarka la sheekeyso", riix halkaan: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)