Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu kacb on October 20, 2009, 07:41:06 AM

Title: Su,aal ku saabsan DNA
Post by: Ibnu kacb on October 20, 2009, 07:41:06 AM
الصلام عليكم


Waa maxay DNA ? DNA hadii uu yahay hide sidaha laba nin oo walaalo ah, oo aabo wada dhalay ayku hide yihiin labadaas nin caruurta ay dhalaan hadii DNA laga qaado isku mid ma noqon karaan ?.

Hooyadu se intee in leeg ayay qayb ka tahay DNA ? marka se qof DNA laga qaadayo maxaa loo barbar dhigaa DNA da aabaha ?

Mahad sanid

Deeq Cabdi

Hargeisa
Title: Re: Su,aal ku saabsan DNA
Post by: Dr.Adnan on October 20, 2009, 05:39:42 PM
wacalaykum asalam
Waa maxay DNA ?  
DNA (hidde side) waa molokiyuulo ku dhex jira unug kasta oo jidhka ah, kaas oo ka masuul sifooyinka uu yeelanayo qofku.
DNA hadii uu yahay hide sidaha laba nin oo walaalo ah, oo aabo wada dhalay ayku hide yihiin labadaas nin caruurta ay dhalaan hadii DNA laga qaado isku mid ma noqon karaan ?.Qof kasta waxa uu leeyahay hidde sidde ka duwan dadka kale oo isaga gaar u ah, kaas oo ka dhigaya shaqsiga uu yahay waana xikmad rabaani ah. Qofku waxa uu ka koobanayay 46 koromosoom, kuwaas oo sameeya hidaha. badhkood (23) waxa ay ka yimaadaan hooyada, badhka kalana (23) aabaha. labada qof ee isla dhashay iyagu isku mid maaha hidda sidayaashoodu laakiin waxa ay iskaga dhawyhiin kuwa dadka kale.
caruurta labo nin oo walaalo ahi dhalaan isku mid maahin, waayo 1- dumarka oo kala duwanaa sidaa aawadeed hidde sidayaasha oo wali kala duwan 2- labada nin ee walaalaha ah oo iyaga laftoodu kala duwan 3- hiddesidahay oo isaga laftiisu isu qaabeeya si cashwaa'i  ah (Random) taas oo dhalisay in walaaluhu kala duwanaadaan.

Hooyadu se intee in leeg ayay qayb ka tahay DNA ?
sidaan hore u soo sheegay 50% iyada ayaa bixisa. aabuhuna inta kale

Title: Re: Su,aal ku saabsan DNA
Post by: Ibnu kacb on October 20, 2009, 05:58:00 PM
Assalamu Alleikum

Thanks a lot dear brotherhood 4 ur immediate answere, Jasaka Allah khayr