Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdinaasir on April 01, 2012, 06:21:41 PM

Title: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: Cabdinaasir on April 01, 2012, 06:21:41 PM
ACS  WALAL WAXA LEQABAA 9 SANO  ILAAHDA MAISKU DHALIN NINKEY  DHAQTAR AYAA WAXAA IDHAHAY UGUMAHAAGA WAA

TACIIF MAQADIKARTID  UR  DHIIGA AYAA SIDHIBA KAGA YIMAADO MAXEYTAHAY WALAL WAXAAS
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 01:47:22 AM
Waxaan u fahmay in uu ka wado in ukumahaaga aysan awood u lahayn in ay kobcaan oo ay awood u yeeshaan in la bacrimi karo si aad uur u qaadid, waxaana keeno dhowr waxyaalood oo qaarkood la daaweyn karo ee waxaan ku waydiiyay takhtarka ma baaritaano ayuu kugu sameeyay oo ay ka mid yihiin in uu fiiryay heerarka hormoonnadaada iyo daawooyin lagu siiyay oo wax kaa tari waayay mise?
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: Cabdinaasir on April 06, 2012, 04:17:03 AM
haaaaaa  waa igafiirsheen hormoonka  laakin waxoo isiiyay  kaniin  hada magaciisa ma xasuusti laakin waxoo idhahay iska cun inookucawiyo laka yabaa  kaniikasna maba cunin aniga maxaa yelay waa kaniinka  caada keeno  sanad cun idhahay  maba iqorin mid iikobciyo ukumaha maxaan sameyaa hada walaal majiraa mid kobciyo ukumaha   walal icaawi inilaah ha kucaawiyo  aniga ma aqaan waxan sameyo ilaah ayaan kasugaa waxoo iqoro insha alaah mahad sanid
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 08:03:51 PM
Waxaad la xiriirta takhtar ku taqasusay cudurada haweenka si aad ugala tashatid xanuunkaaga maadaama aanan sheegi karin baritaanka lagugu sameeyay waxa uu sheegay iyo xanuunkaaga noociisa iyo heerka uu gaarsiisan yahay.
Daawada laguu qorayne ma xasuusan kartid, mana aadan qaadan sida aad sheegtay.

Fadlan raadi takhtar aqoon u leh xanuunada haweenka.
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: Cabdinaasir on April 09, 2012, 04:57:33 PM
waakan kaniinka magaciisa isooqoray  3+28 filmdragerade  tabletter   [ NOVOFEM  ]   3+28  [ 16  GAUUD IYO CAD 12 ]   WAKAAS MAGACAAN AYULEYAHAY EE MATAQAN ADIGA  ANIGA MABA CUNO  MATAMA AAN ISDHAHAY WAXBA MASOO SIYADINAYO ANIGA NIYATEYDA WAAYE  DR. MEESHAAN  TAQTAR FIICAN MAJOGAAN  MAALIN WALIBANA WEXEY KUDHAHAYAN WAX  UMAJEDNO OONA WAXAS AHEEN UKUMAHA TACIIFKA AH EE CUN KANIINKAS MARKA ISOO SHEEG MAXAAN SAMEEYA  ANIGA MESHAN WANKU CUSUBAHAY  MANA FAHMAYI AFKODA  WALAAHI WANA TALAY DR. HADII AAN RUNATA KUSHEEGO DR. RAYI ISII MATAMA DR. SOMALITAHAY MAASHA ALAAH. ISKUAFNAHAY   ILAAH QEER ANA DHAMAAD LAHEEN ALAHA KUSIIYO AAAMIIN ILAAHNA HAKU CAAWIYO SAAD NOCAAWISAY HADII AAN NAHAY SOMALI  JKZJ.  WCS
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: Cabdinaasir on April 28, 2012, 10:55:19 PM
ASCWRWB  MAXAA KUGUDHACAY JAWAAB AYAAN KASUGAA BY
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2012, 11:48:11 AM
Daawada NOVOFEM, waa daawo ka samaysan hormoonka istarajiinka oo la siiyo haweenka uu ku yaryahay sida kuwa dhalmodeyska ah, laakiin waxaan ku wydiin lahaa laba su'aalood oo kala ah: cudurka uu takhtarka kugu sheegay muxuu yahay? baaritaanada uu sameeyay noocyadooda iyo jawaabaha ka soo baxay?

Iyadoo labadaas su'aalood laga soo jawaabin waa dhib in la sheego xanuunkaaga iyo sababta laguugu qoray daawadaan taasi darteed ayaan kugu dhahay, fadlan la xiriir tkahtar haweenka ku taqasusay oo kale haddii aadan ku kalsooneyn takhtarkaan? anaga howsheennu waa wacyi galin iyo wixii faahfaahin dheeraad ah in aan ku siinno ee baaritaan ma dirno qofna ma daaweyno.

Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: Cabdinaasir on May 22, 2012, 08:18:13 PM
asc DR. ANIGA MAALINTAAS WAX CUDURAH IGAMASHEEGIN WAXEY IDHAHEEN UKUMAHGA DHIIGA AYAA DACIIFAH MARKA  HADII CUDURNA IGUMA SHEEGIN WALAAL  DR. DAWADAAS MAXEYTAHAY MA AQOONSATAY  ADIGOO RAALIYA  MAXAA LADHAHAA ERAYGAAN ADOORALIYA  [  haweenka uu ku yaryahay sida kuwa dhalmodeyska ah,  ]   WAXEY IGUDHAHEEN  CUN DAWAAAS ANIGA KACOD SADAY  KALIYA LAAKIN WAXEY IGUDHAHEEN WAX MAKUQABAN KARNO MAFAHANTAY  WAA INTAAS WALAAL
Title: Re: Su'aal: Waxaa la i dhahay ukumahaaga waa daciif?
Post by: SomaliDoc on June 04, 2012, 09:02:49 PM
Daawada sida aan kor ku sheegayba waa daawo hormoon oo la siiyo haweenka uu ku yaryahay hormoonka naagaha ee loo yaqaano istarojiinka.
Dhibaatadaada caafimaad sida aan kugula taliyayba fadlan la xiriir tkahtar kale oo baaritaano kugu sameeyo, waxa ku haayane safiican kuugu sharxi karo.