Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed naaf on March 02, 2019, 01:04:31 AM

Title: Su'aal: Inaan bidaarta beerto ayaan ku fakaray?
Post by: Axmed naaf on March 02, 2019, 01:04:31 AM
Asc doctar waxaan ahay dhalin yaro da deydu waa 24 waxaana saameeyn xoogan igu heysa bidaarta qeyta hore ah markaan xaafadaha jogo dadku igama dareemaan in aan bidaar lee yhy waayo timaha xaga danbe ayaan hore usoo shanleeyaa lkn dibada markaan u baxo dabeysha ayaa ka dhaqaajineysa taasoo sahleysa in dadku arkaaan badda markaan galaayo koofi baan ku galaa si aynaan dadka u arkin mudo in ka bdn 3 sano ayaaan bidaartaan qarinayaa wixi ka horeeyay bidaar maanan qabinba 2016 xitaa 2017 normal ayaan ahaa lkn 2018 iyo sanadkaan ayaan bahasha dhibsaday marka waxaan ku fikiray inaan beerto si aan uga xuroobo koofiyada asaageeyna aan uga takoornaan maxaad iigula talin laheydeen mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Inaan bidaarta beerto ayaan ku fakaray?
Post by: SomaliDoc on February 09, 2020, 12:24:08 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Timo-beerista: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7624.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7624.0)
Laakiin waxaan talo ku siin lahaa in aadan hadda beeran timaha khaasatan haddii ay bidaarta kugu cusub tahay sababtoo ah waxaa badanaa dhacda inuu qofka beerto iyadoo bidaarta ku socoto, kadibne isagoo qarash ka baxay hadane tii daadan rabtay ay hadane daadato oo qeybo cusub oo banaan u soo baxaan.