Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac Garweyne on February 27, 2015, 10:08:07 AM

Title: Su'aal: Madax xanuun ii daran markaan fooraarsado?
Post by: Jaamac Garweyne on February 27, 2015, 10:08:07 AM
Asc dr waxa jira xanuun aad ka hadasheen o layirah "SINUSITIS" calamadaha aad kushegtenah mid ka mid ah ayan isku arkay o ah madax xanuun o uu udaran yahay dhaqdhaqaaqa jirkeyga o hadaan foorarsado saa'id ayu ixanunaya daqiiqado yar ama hadaan foraray o aan istaago sido kale sa'id ayu ixanunaya daqiqado yar lkn hadaan dhaqdhaqaaqin madax xanuun yar o meel fog ah ayan daremaya wuxuna u badan yahay dhanka maskaxda iyo xiska mar mar ayu ila wajiga so garaya lkn indhaha wax xanuun ah kama daremo wuxu i heynaya xanunkas 2-3malmood gudahood kadib nah caadi ayan noqonaya. E dr xanunkas miyu xirir laleyahay mise waa madax xanuun iska cadi ah. Waad ku mahadsantihin waqtigina iyo cilmigina o aad nohurtaan hagrid la'aan thax again
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun ii daran markaan fooraarsado?
Post by: SomaliDoc on March 04, 2015, 04:13:04 PM
Waxaan filayaa in aad qoraalkaan ka hadlaysid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)

Waxaa habboon in aad la xiriirtid taktharkaaga si uu kaaga fiiriyo calaamadaha aan ku xusnay qoraalkaas, way dhici kartaa inuu isaga yahay, qasab maahan in aad calaamadaha aan sheegnay dhamaantood isku wada aragtid.

Midda kale waxaa jira qoraal kale oo aan kaga hadalnay madax xanuunada kale oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)

Haddii ay jiraan faahfaahin dheeraad ah waad na soo waydiin kartaa.