Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ismail143 on June 10, 2017, 07:40:00 PM

Title: Su'aal: Caadada Siigaysiga iyo daawashada aflaanta xunxun?
Post by: Ismail143 on June 10, 2017, 07:40:00 PM
Asc waxan ahay wiil somaliyeed oo qaangar ah kuna nool qurbaha, waxa i haysta dhibaato xaga galmada aha iyo xubinta taranka. Waxan bilaabay anigo da,yar Caadada Siigaysiga iyo daawashada aflaanta xxxka waxana waday ilaa mudo 10 sano ka badan.markasta oo aan is dhaho iska joojina way igu soo noqonaysaa. Waxan noqday mid la qabsi la sameeyay ilaa marki danbe aya dhib u geysatay xubinta tarnakayga. Waxay sababtay ina ay geedkaygi ka dhigtay Maldhaq sido kale ay ka dhigtay mid aan koritaan samaynayn . Lana moodo sida geed ku yaal ilma shan jir ah . Waxay kalo ii geystay in marka aan kacsado kadib uu tabar yaraado oo jilacsanado .koritanki gedkaygana u hoos. Dhacay. waxan hadaba ka codsanaya dhakhatirta sharafta leh. Inay tallo i siiyan
Ku wajahan sidi an mar kale u awood  galmo iyo geed wanagsan ku heli lahaa iyo sidi an isaga joojin lahaa dhaqankan xun sido kale,
Hadi ay dhakhatar igula talin lahayen in aan booqdo  . Mid kalse taasi samayn ma ku yeelan kartaaa nolosha guurkayga ? Mana laga yaaba inay sababto ma dhalaysnimo?
Sido kale ma guursan kara qof dumar ah anigo sidan u tabar daran , geedkaygina ahyn mid qaangar ah o noqday mid saqiiray ?runtii. Wan ku cusubahay webkan waxbadana wan ka akhriyay hadana waxan jeclaysatay in aan darenkayga idinla wadaago. Waxan ka codsanaya dhakhaatirta sharafta leh in ay isoo jawaaaban..dhib weyn aya i haysya..
Title: Re: Su'aal: Caadada Siigaysiga iyo daawashada aflaanta xunxun?
Post by: SomaliDoc on February 23, 2018, 07:56:36 PM
Allaha ku caafiyo,

Daawashada aflaanta jinsiga ah waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin kala duwan oo aan horay uga dignay qoraalkaan ee akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0)

Intaas kadib waxaan kugula talin lahaa inaad joojisid siigeysiga iyo daawashada aflaanta aad tilmaantay taasoo aad waday muddo dhan 10 sano, kadib waxaad talo ugu tagi kartaa dhakhtar ku wiisiteeyo si loo hubiyo dhibkaaga inuu intaas dhaafsiisan yahay, waxaa laguu diri doonaa baaritaanno ku saabsan hormoonnada ragga, shahwada iyo kuwa kalaba.

Haddii aad u baahan tahay la-talin khaas ah waxaad toos dhakhtarka ugala xiriiri kartaa qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)