Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on December 02, 2015, 09:02:51 PM

Title: Su'aal: burooyin yar yar oo madmadoow
Post by: Barkhat on December 02, 2015, 09:02:51 PM
Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan dadweynaha sharafta leh ee webkan somalidoctor ku taxan, gaar ahaan dhakhtarada iyo dhammaan hawl-wadeenadda xushmada iyo sharafta naga mudan. intaa ka dib diktoore gabadha (xaaskayga) ayaa waxa kasoo baxay burooyin yar yar oo madmadow oo aad u badan, weliba qoorta ilaa wejiga ayay aad ugusii badan yihiin, mararka qaarkoodna cuncun ayay sameeyaan.
hadaba diktoor bal arrintaa maxaynu u malayn karnaa?.
waad mahadsan tihiin wll.
Title: Re: Su'aal: burooyin yar yar oo madmadoow
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 01:32:53 PM
Burooyin madmadow waxay noqon karaan dhowr xanuun, waxaana lagu kala ogaadaa aragtida.
Fadlan la xiriir dhakhtar ku taqasusay cudurada maqaarka si uu u arko nabrahaas, waa muhiim in aad si dhakhso ah ula xiriirtid maxaa yeelay waxaa jira xanuun la dhaho "melanoma" oo ah kansar maqaarka ku dhaco oo ku bilawdo burooyin madmadow.
Inay wax sahlan noqotane way u badan tahay.