Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iman Osman on March 13, 2019, 11:25:36 AM

Title: Su'aal: Cuntooyinka adkeeya carurta sanad ka yar?
Post by: Iman Osman on March 13, 2019, 11:25:36 AM
Asc Dr dhamaantin waad salaamantahiin wanan idiin mahad celinaya.

Ilmahayga wuxu jira 9 months naas iyo cuntooyin ka kooban baasto bocor cade baradho iyo muus ayan siya, sido kale subaxii canjero iyo macsar hbnkina rooti iyo macsar alx amatedkisa wu fcn yhy.

Suazhayda waxa weeye dr wilkayga wali garguurad muu baran beerka ayuu ku socdaa wali marka waxn rabay inad igala taliso cuntoyinkas inay u fican yahiin oo adkaynayan murqahisa iyo lafahiisa plz iyo cuntooyi nka aan ugu bedelo oo faaido u leh madaama aanu wax caano ah cabin naas bes ayuu cabaa iyo cabitaan liin dhananta
Title: Re: Su'aal: Cuntooyinka adkeeya carurta sanad ka yar?
Post by: SomaliDoc on February 09, 2020, 12:40:14 PM
Cunuga markuu dhaafo 6 bilood kuma filno caanaha hooyada kaliya waana in caano kale loogu daraa, maadaama ay muhiim u yihiin korriimada caruurta iyo adkaynta lafahooda, midda kale hadduu gurguurashada ka soo daaho taasi maahan macnaheedu in murqihiisa dabacsan yihiin oo caadi ahaan caruurta qaar ayaa sidaa uga soo daaho, caruurta qaarkoodne iyagoo guurguuran ayayba istaag iyo meel qabsasho isku dayaan.