Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shiftline on October 13, 2010, 02:33:43 AM

Title: Fadlan ii sharax Dr
Post by: Shiftline on October 13, 2010, 02:33:43 AM
Asalamu Aleikum!!

 Dhamaan bahda Somaliyeed ee isku xilqaamay in aay web-kaan noo furaan intaas kadib,

Dr waxaan ku weediin lahaa dhib xaga saxarada ah ayaa jiray/iheystay oo saxarada oo aad u adag ama aan isoo dhaafin mudo 2 sano ku dhow, hada waxaan isku arkay xanuun xaga salka ah oo aan dareemo fadhiga xitaa aan u fariisan karin si saani ah oo aay saxaro i heyso ayaan dareemaa xanuun xaga hoose ahna waa dareemaa wax nabar ama muuqaal nabareed ahi ma jiro .

Sidaas daraadeed waxaan kaa codsanahayaa in aad i dareensiiso waxa jira, Cilmigaada waxa aad ka fahantahay tilmaamaha aan Baxshay.

Shiki xageyga ahna waxaan isleeyaha armuu jiraa baabasiir!

Ee waan raadiyey meel aad uga hadasheen cudurka baabasiirka waan arki waayey

Hadii aad heli kartaan in aad sharaxaad ka bixisaan Baabasiirkana waa ii wanaagsanan laheed

Mahadasanidin Dhaaman Dhakhaatiirta iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku Xiran webkaan

Nabaadiino Asalamu Aleikum ...
Title: Re: Fadlan ii sharax Dr
Post by: SomaliDoc on October 26, 2010, 08:00:48 PM
Saxarada adag waxay keentaa badanaa laba xaaladood oo kala duwan.
Midda hore waa dillaac yar oo ka dhaca meesha saxarada ka soo baxdo loona yaqaanno "Anal Fissure"
Midna waa kan aad sheegtay oo Baabasiirka ah.

Halkaan ka akhriso waxa baabasiirku iyo dillaca futada ay kala yihiin iyo calaamadaha lagu garto.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html)