Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 23, 2011, 09:26:37 PM

Title: Su'aal: Malaariyada sidee loo daaweeyaa?
Post by: CilmiSabca on September 23, 2011, 09:26:37 PM
Asc dhamaantiin. Salaan ka dib.
Waxan rabaa in aan wax ka ogaado qaabka loo daweeyo Malariyada nooca loo yaqaan (pf) ee madaxa. Thanks.
Title: Re: Su'aal: Malaariyada sidee loo daaweeyaa?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2011, 09:35:21 PM
Qaabka loo daaweeyo cudurka duumada, wuxuu noqon karaa kaniiniyaal loo qaato ama cirbado.

Daawooyinka lagu daaweeyo way kala duwanyihiin, qaar cusub ayaa jira oo hadda la isticmaalo iyo kuwo horay u jiri jiray oo weli meelaha qaar laga isticmaalo.

Maadaama webkaan uu yahay mid wacyigalin iyo la talin, ma jeclin in aan dad ka daaweyno ama in daawo iyo sida loo qaato aan ku sharaxno, haddii qofka uu xanuunsan yahay waxaan kula talinaynaa in uu la xiriiro takhtarkiisa.

Halkaan ka akhriso qoraal gaaban oo ku saabsan duumada: http://www.somalidoc.com/smf/index.php?topic=34.0 (http://www.somalidoc.com/smf/index.php?topic=34.0)
Title: Re: Su'aal: Malaariyada sidee loo daaweeyaa?
Post by: CilmiSabca on September 28, 2011, 12:09:17 AM
Laakiin Dhaqtar dad baa waxay yidhaahdaan Malaariyada madaxa ku dhacd ee PF-ta laguma daaweyn karo wax aan aheyn faleebooyin la sudho qofka ay ku dhacdo, marka Dhakhtar, xaaskeyga ayey ku dhacday malariyada Pf, cirbado & kiniiniyaalna waa loo qoray, laakiin waxay aamin san tahay faleebooyin, in muddo ahna xaaladdeeda waa sideedii oo Pf-tii kamay bogsan. Marka sababtaas baan su'aasha u soo qoray si aan jawaabtiina ugu qanciyo xaaskeyga, in daawadu ay tahay faleebo ama cirbad & kaniini in aan ogaado ayaan rabay si waxay xaasku aaminsan tahay iyo waxa jira ay u aragto.
Haddana Dhakhtarada (sheybaarada) inta badan nama ay siiyaan fursado aan su'aalo badan ku weydiisano inta aan la joogno, sababtuna waa dhakhtarada oo feyl loogu jiro...

Sidaas darteed ayaa waxaan qaati ka joogaa waxay dadka qaar aamin san yihiin iyo waxa loo awoodo in loo qabto oo aad u kala fog.
Marka Somalidoctor, waad ku mahadsan tahay jawaabtaada.
~Anna waan idinku raacsana hay mabda'a ah in aan webka daawo dadka looga qorin, taas oo keeni karta haddii looga qori lahaa in ay dad badani madaxooga minjo u rogaan iyagoo si aan loogu tala galin u istimaali kara darteed...
Mar kale waad mahadsan tihiin. Wabil Laahi Towfiiq
Title: Re: Su'aal: Malaariyada sidee loo daaweeyaa?
Post by: SomaliDoc on September 28, 2011, 12:28:11 AM
Daawada Quinine ayaa lagu daraa faleebbo macaan ah waana nooc ka mid ah daaweynta maalriya nooca PF-ta.

Daaweynta malaariyada waxay ku xirantahay heerka xanuunka uu marayo, haddii ay tahay mid sahlan waxaa lagu daaweeyaa kaniini, laakiin haddii ay tahay mid daran waxaa lagu daaweeyaa daawo la isku duro (muruq ama xidid).

Isiticmaalidda daawada Quinine oo faleebada lagu daro waa laga tagay inkastoo Somaliya aad looga isticmaalo waxaana lagu badalay daawada Artesunate oo xidid iyo muruq labadaba laga qaadan karo oo waxtarkeeda boqolkiiba boqol ay fiicantahay.