Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Caruurta => Topic started by: Diagnostic on May 06, 2008, 03:16:21 PM

Title: Calool Fadhiga Caruurta
Post by: Diagnostic on May 06, 2008, 03:16:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caloolfadhi.png)

Sidee baan ku ogaan karaa in ilmahayga caloosha fadhido?
Ilmahaaga waxay caloosha fadhidaa markii aad ku aragtid mid ama ka badan calaamadahan soo socda:
Hadii ilmahaagu ay dhibatada calool fadhigu ay haysay muddo ka badan 2 wiig, calool fadhigu wuu ku daba dheeraaday.

Maxaa keena calool fadhiga?
Calool fadhigu badanaa wuxuu ilmaha ku dhacaa markii aysan cabin biyo ku filan, caano ama cabitaano kalaba iyo hadii aysan qaadan cunto caafimaad leh kuwaasoo ay ku jirto maadada loo yaqaano faybarka (Fibers) sida qudaarta, furuutka, dhirmiroodka sida qamadiga, gallayda iyo bariiska.
Hadii ilmahaagu uu cuno cunno ay ku badantahay sonkorta sida macmacaanka iyo cunto dufan badan leh waxay u keeni kartaa calool fadhi.
Calool fadhigu wuxuu kaloo ilmaha yaryari ku dhici karaa markii naaska laga gooyo oo loo bilaabo caanaha lo'da ama cunno fudud aad ugu badashid cunno adag.
Marmar calool fadhiga wuxuu ku dhici karaa ilmahaaga jirro kadib ama daawooyin la siiyay awgeed.
Calool fadhigu yuusan kugu ridin welwel siyaado ah maxaa yeelay waa arin ku badan ilmaha badankood, wayna ka fiicnaadaan daawo la'aan.
La soco waxa aan ka hadleyno waa calool fadhi kaliya aysan la socon dhibaatooyin kale.

Maxaan sameyn karaa hadii ilmahaygu caloosha fadhido?
Waxaa jira dhawr arrimood oo ilmahaaga aad u qaban kartid:

Hadii calool fadhigu sii socdo ama uu ka soo roonaan waayo, ilmahaaga dhakhtar u geey si loo baaro, loona ogaado dhibka haya, maxaa yeelay calool fadhigu waxa marmarka qaar ay calaamad u noqon karaa cuduro helis ah.

Dhakhtarku muxuu sameyn doonaa?
Dhakhtarku waxa uu ku su'aali doonaa dhawr shey oo ay ka mid tahay, cunto qaadashada ilmaha, iyo hadii aad ku aragtay calaamado kale ee la socdo calool fadhiga sida is badal saxarada ku yimid, in dhiig la socdo ama axalo oo kale.
Hadii ay la socoto calool xanuun ama uu ooynayo marka uu saxaro dhigayo.
Dhakhtarku waxa uu baari doonaa ilmahaaga, saxaradane sheybaar baa loo diri doonaa, waxaana dhici karta in raajo caloosha laga saaro cunugaaga.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Calool Fadhiga Caruurta
Post by: Ummu Hafsa Och Hanan on December 08, 2011, 04:26:16 AM
asc dhamaan dhaqaatiirta waan u mahad celinayaa isku taxluujiyay in ay jaahil bixiyaan umadooda soomaaliyeed ayagoon cidna ku qasbin  kuwa qurbaha  ku dhiban iyo ku wadanka ku dhibanba umada soomaaliyeedna dhibka allaha ka kor qaado dowlad caadilana allaha u dhaliyo adinkana ajir iyo xasanaad allaha idin siiyo aaamiiiiiiin. aan ku bilaabee su'sheedu waxay tahay canug yar oo 1 sano iyo bar jirta ayaa saxarada iiga dhagtay muda hal isbuuc ah bas kadib waxaa ka dilaacday dabada markii aan dhaqtar tusayna waxuu usoo qoray calool jilciye afka laga cabayo waxay dareentaa cuncun iyo raaxa daro mar waliba dilaacina waxuu isku badalay wax dheer oo fudada kasoo laalaado una soo baxsan dhanka dibada aad ayayna ugu dhibantahay markay saxarooneeso waa bararaa markay saxara hayna waa uu dhuubanyahay laakiin xanuunka mar wali waa ay dareentaa oo faraha foodeeda ayay ku socotaa socodka xataa wuu dhibaa markuu xanuunku aad u hayo marka walaalhayga ilaahay cilmiga baray iga caawiya sidi aan yeeli lahaa adinka ajir ayaad ka heleesaan waa saqiir dhiban jawaab wacan insha laah.
Title: Re: Calool Fadhiga Caruurta
Post by: SomaliDoc on January 07, 2012, 12:16:23 PM
Waxa aad arkayso oo ka soo jeedo cunugga waa malawadkii oo soo laalaado, waxaana ay ku dhacdaa caruurta haddii ay calooshoodu fadhiso in muddo ah oo si aad ahne iskugu dayaan in ay saxarada soo saaraan midaas ayaa keensanayso in meeshii saxarada soo mari jirtay ay banaanka u soo baxdo.

Wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta ka yar da'da 6 jirka ah iyo dadka duqooshinka ah.

Waxaa lagu garan karaa waa wax gaduudan oo kuusan oo futada ka so raaraco khaas ahaan markii caruurta ay jiiranayaan, soo raaricista wuxuu noqon karaa in yar ama isaga dhan ayaa banaanka imaan karo.

Markii uu yaryahay inta soo jeeddo, hadduu cunugga istaago ama jiirashada joojiyo waxaa laga yaabaa in gudaha uu ku noqdo oo uu qarsoomo.

Sidee lagu xalliyaa?
1- Si aayar ah oo taxadar leh ayaa farta lagu celiyaa malwadka, hadduu xanuunka siyaado uu yahay waxaa la adeegsadaa kabuubyo ama suuxdin labadaba.
2- Waxyaabaha keenay waa in la xalliyaa sida saxarada oo dhaggan, shubanka ama qufac badan.
3- Waxaa waalidiinta lagula taliyaa in ay la xiriiraan takhtar qalliin haddii malawadka noqon waayo ama uu keeno xanuun siyaado ah maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in inta soo baxsan ay infakshan qaaddo, ama ay maroojisanto oo dhiigga ka xermo kadibna ay madoobaato.
4- Waa in caruurta la siiyaa cunno ay ku badan tahay buunshada si saxarada markasta jileec u ahaato sida khudaarta, iyo in caruurtooda ay baraan haddii saxarada ku dhagantahay in aysan jiirasho samaynin ama aad isku cadaadin (markaanoo kale waxaa la siin karaa daawo yar oo caloosha jilciso oo si aayar ah ku soo saarto saxarada).
Title: Re: Calool Fadhiga Caruurta
Post by: Mursal1 on August 20, 2012, 05:04:14 PM
Ilmaha ayaa oo yaaya hadii  uu isdhaho saxaroo marna waaba iskadaynaayaa isagoo ayhayso saxro
ama dhiig baa soo raacaaya maxaa keena ciladaas maxaase lagula tacaalaa

seese markaba ,looga caawiyaa ilmaha calool fadhiga si uu ujilco caloosha caana geel iyo wixii lamid ah waan aqaan lkn daawooyinka igu caawiya in shaa allaah khayr baan idiin nrajayn dhamaan tiin
Title: Re: Calool Fadhiga Caruurta
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 11:54:24 AM
Calool fadhiga ilmaha waxaa looga caawin karaa talooyinka kor ku xusan, haddii intaa wax ka tari waydo waa in aad la xiriirisaa takhtarkooda si uu daawo ugu qoro.

Midda kale haddii ilmaha ay dhigaan saxaro dhiig wadata waxay noqon kartaa mid infakshan ka timid ama mid dhaawac ah, taasoo ka dhalan karto saxaro adeegga laftirkeeda.

Haddii dhiigga uu la socdo, calool majiir ama axalo ama dhibaato kale oo dheeri ah waa in aad la xiriirtaa takhtar caruur.