Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xiddigaduula on December 10, 2016, 02:58:22 PM

Title: Su'aal: Subaga Idaha Iyo Beer Xanuunka?
Post by: Xiddigaduula on December 10, 2016, 02:58:22 PM
asc dr su'aal baan qabaa soomalidu ayodoo xanuuno ku daawaysa subaga idaha hadana waxay dhahaan xanuuno ayuu opposite ku yahay oo aad u dhiman khaasatan xanuunka cagaar show-ga.
marka su'aashaydu waxay tahay subaga idaha sidaa ka dhawaajisay jirteyna xanuuno ayaa lagu daaweyaa so, xanuunada qaar hadaa qabtid oo dhadhamisid subaga idaha ama aad cuntid cuno ay ku jirto hilib idaad ama subagii malaga yaabaa inaan u dhimatid ama uu kaaga daro xanuunkii aad rabtey inaad kaga bogsatid in uu kugu sii xumaado?
Mahadsanid Dr
Title: Re: Su'aal: Subaga Idaha Iyo Beer Xanuunka?
Post by: SomaliDoc on January 23, 2017, 02:08:54 PM
(http://somalidoc.com/Topics/subagbeer.png)

Bismillah,

Waxaan qormadaan kaga jawaabi doonaa insha'llah dhowr su'aalood oo ka dhashay casharkii Cagaarshowga iyo casharkii Subagga Idaha.

Haddii aadan horay u akhrisan labadaas cashar kaga bogo link-gaan hoose:
Cudurka Cagaarshowga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0)
Caafimaadka Subaga Idaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0)

Waxaa kaloo jira qoraal aan safiican ugu faahfaahinay cilladda loo yaqaano "Beerka Xeyrta Leh" ama "Fatty Liver", oo aan kaga hadalnay waxyaabaha keeno, siyaabaha looga fogaado iyo qaabka lagu ogaado, kaga akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5496.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5496.0)

Su'aalaha ugu badan ee nala soo waydiiyay waxay ahaayeen:
Qof cagaarshaw qabo ma isitcmaali karaa Subagga idaha?
Soomaali badan ayaa aaminsan haddii qof cagaarshaw qabo uu dhadhamiyo Subagga Idaha inuu dhimanayo, taasina guud ahaan sax ma ahan. sababtoo ah waxaa muhiim ah in la ogaado cagaarshawga noociisa, heerka uu marayo iyo beerka shaqadiisa, maxaayeelay cagaarshaw walba subaga lagama ilaaliyo, way jiraan xaalado gooni ah oo laga fogaado subagga iyo wax walboo culeys saari karo beerka shaqadiisa hadduu qofka uu leeyahay howlgabka beerka, ka akhriso halkaan qoraal aan uga hadlay Howlgabka Beerka iyo Waxyaabaha Keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0)
Sidaa darteed hadduu qofka uusan qabin howlgabka beerka wuu isticmaali karaa Subagga Idaha hadduu xitaa qabo cudurka Cagaarshawga.

Cabidda subagga ma u daran yahay caafimaadka beerka
Sida aad ku aragtay qoraalka kore ee ku saabsan "Beerka Xeyrta Leh", cabidda ama isticmaalka subagga kama mid ahan waxyaabaha keeno in beerka xeyr fuusho ama hoos u dhigto shaqadiisa, sababtoo ah beerka si sahlan ayuu subagga u maareeyaa illaa inuu qofka qabo xanuuno kale mooyee sida macaanka, kolestaroolka iyo cilladda ka takhallus la'aanta xeyrta jirka ama qofka uu leeyahay balwad sida khamriga.

Cudurkee laga ilaaliyaa Subagga Idaha
Subagga idaha wuxuu la mid yahay dufanka kale ee la isticmaalo markii laga hadlayo caafimaadka beerka, hadduu qofka leeyahay cilladahaan hosoe mid ka mid ah waa inuu ka fogaado duafanka oo idil ee ma ahan wax u gaar ah subagga idaha:

Waxaa kaloo jiri kara xanuuno si kumeel gaar ah uu dhakhtarka kaaga reebi karo isticmaalka subagga, waxaana ka mid ah Gaaska iyo Xanuunka xameetida.
Inkastoo Subagga Idaha uusan wax gaas ah qofka ku kicin, daawane u yahay nooca boogaha caloosha keeno, laakiin haddii xameetida aad ka jiran tahay sida caabuq ama dhagax ku jira waa in dufanka oo idil aad ka fogaataa.

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo dheeraad ah aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)