Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on February 26, 2015, 10:42:55 PM

Title: Honqorta Cagta (Plantar Wart)
Post by: SomaliDoc on February 26, 2015, 10:42:55 PM
(http://somalidoc.com/Topics/honqor.png)

Honqorta ama Roqorta cagta waa xanuun aad ugu badan soomaalida, khaas ahaan u badan caruurta iyo dhalinyarada.

Honqorta ma ahan xanuun kansar ah ama ku faafo jirka laakiin waa nabar uu keeno jeermis feyrus ah oo loo yaqaano "HPV".

Waxay ka soo baxdaa Honqorta meelo badan oo jirka ah, laakiin midda cagta ka soo baxdo waxay leedahay way uga sahlan tahay kuwa kale inuu infekshan ku dhasho, kadibne keeno barar iyo xanuun cagta ah.

Badanaa hadaan la daaweyn honqorta way iska baaba'daa muddo labo sano gudahood.

Nabarka marka ugu horeyso uu bilaabanayo wuu yaryahay, wuxuuna ku bilawdaa meel dhibic oo kale ah oo maqaarka ka duwan oo cuncun leh, kadib qorka wuu xoqaa, isagoo macaansanayo xoqitaanka.

Honqorta waa la kala qaadi karaa, hadduu qofka dheecaanka honqorta meel kale way ka soo bixi kartaa, waxaa kaloo lagu kala qaadi karaa qaab aan toos ahayn sida in qofka nabarka taabtay uu taabto alaab ama meel qof kale taaban karo, ama qofka oo caga cad musqusha galay, kadibne qof kale ku istaagay dheecaankii, inkastoo ay saas tahay, kala qaadista aad u ma badna markii honqorta ay gacanta ama cagta ku taallo.
Waxaa si sahlan u qaado karo qofkii difaaciisa hooseeyo.

Honqorta cagta waxay halis u noqotaa in wasakh gaarto ama infekshan qaado maadaama ay u sahlan tahay in jeermis ku dhasho, maadaama dhulka ay u dhowdahay, uguna nugushahay meelaha kale ee jirka.

Sidaa darteed markay infekshan qaaddo waxaa loo yaqaannaa caafimaad ahaan "Infected planter wart".
Calaamadaha lagu fahmo waxaa ka mid ah in ay keento xanuun weliba markii lagu istaago oo aad mooddo in cirbad camal aad ku istaagtay iyo daqnasho markii al cadaadiyo ama kabo lagu qaato, way gaduudataa, wayna barartaa, xanuunkeedane wuu sii kordhaa.

Markay saas noqoto ayay badanaa dadka qaba xanuunkaan isbitaalka yimaadaana ama takhtar raadsadaan.

Honqorta cagta haddii aysan infekshan qaadin daaweynteeda way sahlan tahay oo daawooyin lagu gooyo ama lagu baabi'yo oo farmashiyada lagu gado ayaa jira oo aanan u baahnany in takhtar kuu qoro, laakiin markii ay infekshan qaado waa in takhtar uu daaweeyo oo daawooyin infekshanka la dagaalamo oo la marinayo nabarka loo qoro qofka iyo daawo afka laga qaato, daawooyinkaas waa in ay noqdaan daawo dilayso jeermiska bakteeriyada iyo fangaska.

Halkaan ka akhriso Honqorta ka soo baxdo maqaarka (Common Warts) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html)

Haddii aad su'aal ka qabtid xanuunkaan waad noo soo gudbin kartaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Honqorta Cagta (Plantar Wart)
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 20, 2017, 09:51:24 PM
Thanks very much