Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cali Asaaro on May 29, 2015, 08:55:00 PM

Title: Shaaha cagaaran oon sonkor lagu darin dareenka raga ma kordhiyaa?
Post by: Cali Asaaro on May 29, 2015, 08:55:00 PM
Asc Somalidoc, salaan ka dib, waxaan cabaa shaaha cagaaran sonkor kuma darsado sidiisa ayaan u cabaa, markaan cabo waxaan dareemaa dareen kacsi xad dhaaf ah marka waxaan rabay inaan ogaado xiriirka ka dhaxeeya shaaha cagaaran markan aan sonkorta lagu dirin iyo dareenka raga.  N.B: markaan sonkorta ku darsan jiray shaaha cagaraan dareenkayga normal buu ahaa laakiin markaan sonkorta ka daayay shaaha cagaaran ayaan dareemay dareen xad dhaaf eh. tnks
Title: Re: Shaaha cagaaran oon sonkor lagu darin dareenka raga ma kordhiyaa?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2015, 06:39:16 PM
(http://edenstea.com/wp/wp-content/uploads/2014/11/green-tea-cup1.png)

Shaaha cagaarana "Green Tea" waa caleen ilaahay ku badiyay maadooyin jirka wax tar u leh, waxa cilmibaarayaasha ay sheegeen in wadna xanuunka, sonkorowga, kilestaroola iyo kansarkaba inay wax tar u leeyahay, maxaayeelay caleenta noocaan waxaa ka buuxa waxyaabo loo yaqaano "antioxident" oo jirka ka saaro sunta ama ku yareeyo, waxay aad uga shaqaysaa xididada kuwooda yaryar iyo kuwa waawayn, waxay xididada ka aruurisaa ama ka nadiifisaa dufanka yaryar ee fadhiista.

Sida takhaatiirta ay ogyihiin, kacsi yarida ragga ku dhacdo sadaxii meel labo meel 2/3 waxay ka timaadaa cillad qulqulka dhiigga ee xididada xubinta soo gala ey ka heysato.
Shaahaan waxaa kaloo ku jira maaddo loo yaqaano "Catechins" oo ah howsheeda in xididadaas yaryar ay ka aruuriso waxyaabo dhiigga ku samaysmo oo xididada ku dhago ama dhexfadhiisto oo howlgab u keeno, waxyaabahaas dhibka keenane badanaa sonkor iyo dufan isku tagtay ayay u badan yihiin, wuxuuna qofka dareemaa in dareenkiisa uu soo roonaanayo ama inuuba kacsi dareemo way dhacdaa.

Waxaa jiro toboneeyo cilmibaaris lagu sameeyay caleentaan kaliya, kulligoodne waxay isku waafaqeen waxtar inay caafimaadka u leedahay, khaas ahaan markii sideeda lagu cabo oo aan lagu darin sonkor ama waxyaabo kale.
Sonkorta waxay ka yaraysaa howsha maadooyinkaas aan kor ku soo xusay.

Shaaha cagaaran faa'idadiisa lama soo koobi karo, qofkii cabo halkaa haka sii wado, qofkii aan cabinne, faaidada haka gaaro.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)