Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdalla001 on March 10, 2019, 04:57:29 PM

Title: SU'AAL: DAAL IYO AWOOD DARRI?
Post by: Abdalla001 on March 10, 2019, 04:57:29 PM
Asc dr, Waxan ahay xaasle, wax balwad ah ma lehi,  waxaan inta 2 asbuuc ah isku arkay Oo aanan lahaan jirin, daal badan oo aanan garanayn iyo in aan awood u yeelan waayo kulanka sariirta, maxay noqon kartaa???
Title: Re: SU'AAL: DAAL IYO AWOOD DARRI?
Post by: SomaliDoc on December 22, 2019, 12:35:46 PM
Waxyaabo badan ayay noqon kartaa, xanuun walbane wuxuu keeni karaa in xagga sariirta kugu cuslaato... marka waxaa haboon in safiican laguu waraysto ood dhakhtar la xiriirtid si loo ogaado waxa daalka iyo tabardarrida kuu keenay.