Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on December 05, 2018, 08:41:26 PM

Title: Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!
Post by: SomaliDoc on December 05, 2018, 08:41:26 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ummulosibyan.png)

Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa maanta waxa haweenka qaar u yaqaanaa "umulosibyan" ama "ummusibyan".

Haweenka qaar waxay umulosibyanka ka aaminsan yihiin bahal, ama jinni minka ku dhex nool oo ilmaha ka soo rido hooyada ama u diido inay uur qaado, waana arrin khuraafaat ah oo aan sal iyo raad toona caafimaadka ku lahayn, haween badanne laga dhaadhacsiiyay.

Haween badan oo dhakhtarnimo ku qaraabto oo umulosibyaanka inay daaweeyaan sheegto ayaa arintaan ku shaqeysto, hooyooyinkane lacag badan kaga qaato in bahalkaas laga soo saaro si ay uur u qaado, dilanka soo noqonqdayne uga gudubto waana arrin aan waxba ka jirin.

Halkee ka soo jeedaa sheekada "Ummulosibyanka"?
Sheekadaan ummulosibyanka ma ahan wax u gaar ah bulshadeena kaliya, meelo kale oo sidaas looga aaminsan yahay ayaa jira sida dalalka Indonesia, Malaysia iyo wadamada carabta qaar, taasoo qolooyin kala duwan ay kaga macaashaan bulshada waxayna sheegaan in "ummulosibyanku" yahay jinni u gaar ah caruurta oo haween ah, kaasoo ilmaha markii la abuuraba ceeji ku qabto, sidaasne ay hooyada ku dilanto, sidaas darteed hooyooyinka lacago ayaa laga qaataa si looga quraamiyo jinnigaas, meesha soomaalidane ay yiraahdaan, jinniga laftirkiisa ayaa gudaha lagu dilayaa si uu u soo dhaco, kadibne waxaa hooyooyinka qaar la tusaa sawirro u eg sidii doolliga oo kale oo dhinacyada madaxa ku leh dhibic madaw sidii isha oo kale.

Taasina waa abuurkii uurjiifka oo aan weli dhameestimin, ee ma ahan jinni iyo bahal toona, caruurta markuu Alle abuurayo waxay maraan marxalado kala duwan, marka horane uma eka bini'aadan sidaa darteed hooyooyinka aan aqoonta lahayn waa la siri karaa markii la tusiyo sawirradaas ama iyadaaba isku nixi karta markay aragto inay ka soo baxeen wax bahal u eg.

Dadka ku qaraabto arrimahaan waxay soo daliishadaan xadiith ay dhaheen rasuulka NNKH ayaa laga soo wariyay kaas uu kaga hadlay inuu jiro jinni la dhaho "Ummusibyan" oo caruurta soo rido, laakiin waa xadiith been-abuur ah oo aan waxba ka jirin, culumadane horay ayay dhowr jeer uga hadleen.

Taladaydu waa in hooyooyinka ka cabanayo dilanka iyo uur la'aanta inay dhakhtarka la xiriiraan, kana fogaadaan arrimahaan aan diinta iyo caafimaadkaba shaqo ku lahayn.

Waxaa dhacda mararka qaar in hooyada minka laga gaarsiiyo dhaawac iyadoo la leeyahay, ummulsibyan ayaa lagaa soo saarayaa, taasoo keeni karta dhiigbax iyo inay dib dambe u dhali wayso.

Waxaa jirka xaalado badan oo keeni kara in hooyada ay dilan la kulanto kuwaasoo u baahan daaweyn, faahfaahinta waxyaabaha dilanka soo noqonoqdo keeno ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0)

Waxaa kaloo jira xaalad loo yaqaano "uurjiifshuuq", taasoo haweenka qaar lagu arko, afka qalaadne lagu dhaho "Molar pregnancy", faahfaahinteeda ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4093.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4093.0)