Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on February 10, 2008, 12:06:32 AM

Title: Wadne Qabad (Heart Attack)
Post by: SomaliDoc on February 10, 2008, 12:06:32 AM
(http://somalidoc.com/Topics/wadneqabad.png)

Wadne qabad waxaa kaloo loo yaqaannaa Myocardial infarction ama MI.
Wuxuu dhacaa markii xididka quudiya muruqa wadnaha uu xannibmo. Socodka dhiigga ayaa ka joogsada qayb wadnaha ka mid ah, Haddii aan isla markiiba la daaweyn, qaybtaan muruqa wadnuhu way dhimataa. Nabar ayayna isku badashaa.

Xannibanku wuxuu ka imaan karaa:

Calaamadaha Wadne Qabadka

Dadka qaar xanuunka wuxuu ku billawdaa garabka illaa gacanta bidix oo kabuubyo ka dareemaan ama xanuun maroojis oo kale ah, Dadka qaba sonkorowga waxay halis ugu jiraan inuu wadna qabad ku dhaco iyagoo wax calaamado ah aysan dareemin.

Yuu ku badan yahay xanuunkaan?
Waxaa wadne qabadka halis ugu jira:

Isla markiiba aad dhakhtar haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadaha kor ku xusan.
Fariiso ama seexo ilaa uu kaaga yimaado qof isbitaalka kuu kaxeeyo.
Baabuur ha u wadanin in aad isbitaalka ku aaddo ama dib ha u dhiganin in aad wacdo dhakhtarkaaga.

Talooyin iyo Warbixinno:

Dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo talooyin intaa ka badan.

Akhriso Wadne Gariirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)