Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on January 15, 2009, 11:40:18 PM

Title: Hawlgabka kelyaha (kidney failure)
Post by: SomaliDoc on January 15, 2009, 11:40:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/Kelli.png)

Marka kelyuhu hawlgabaan, jirka kama saari karaan dheecaanka dheeraadka ah iyo qashinka. Waxay tani dhici kartaa sababta oo ah cudur ama waxyeelo ka timi dhaawac.
Kelyuhu:
• Waxay saaraan biyaha siyaadada ah iyo qashinka
• Waxay dheelitiraan dheecaanada iyo kiimikooyinka jirku u baahan yahay
• Waxay xukumaan cadaadiska dhiigga
• Waxay xukumaan dheecaanada jirka (hormones) ee sameeya unugyo dhiig oo cusub

Kelyuhu waxay biyaha siyaadada ah iyo qashinka ka saaraan dhiigga oo u bedelaan kaadi.
Ka dibna kaadida ayaa laga saaraa jirka.
Dadka badidoodu waxay leeyihiin 2 kelyood.
Qofku waxa uu nolol caafimaad leh ku noolaan karaa isaga oo leh hal kali.
Waxa jira 2 nooc oo ah hawlgab kelyo oo loo yaqaano mid daran (acute) iyo mid soo-jireen ah (chronic).

Hawlgabka Kelyaha ee Daran
Hawlgabka kelyaha ee daran waa kelyaha oo si kadis ah u lumiya hawl qabadkooda oo dhacda saacado ama maalmo gudohood.
Sababaha waxa ka mid ah:
• Caabuq/fashfsh daran
• Gubasho daran
• Waxyeelo ama joogsi ku dhaca dhiigga ku qulqula kelyaha
• Cadaadiska dhiigga oo hooseeya
• Joogsi ku dhaca marinka kaadida
• Hawlgab wadne
• Sumow kiimiko ama maandooriye
Badanaa kelyuhu way soo fiicnaan karaan marka sababta keentay dhibaatada la helo ee la daweeyo.

Hawlgabka Kelyaha ee Soo-jireenka ah
Hawlgabka kelyaha ee soo-jireenka ahi waxa uu dhacaa marka kelyuhu si tartiib ah u lumiyaan shaqadooda.
Waa cudur nolosha qofka oo dhan jira oo aan laga fiicnaan.
Sababaha waxa ka mid noqon kara:
• Cudurada sida sonkorta/sokorowga, cadaadiska dhiigga ee sareeya iyo cudurka wadnaha
• Dhagxaanta kelyaha
• Gufeysan ama dhibaatooyin ku dhaca marinka kaadida
• Lubus (lupus), oo ah cudur isdifaac jir
• Scleroderma, oo ah cudur maqaarka iyo seedaha
• Caabuqa/fashfashka soo-jireenka ah
• Isticmaal-xumida maandooriye
• Sun
Calaamadaha Hawlgabka Kelyaha ee Soo-jireenka waxa ka mid ah:
• Gacmaha, wajiga ama cagaha oo barara
• Isbeddelo ah inta jeer ee aad kaadisid
• Dareen ah daal badan ama tabar-dari
• Madax xanuun iyo wareer
• Lallabo ama matag
• Rabitaanka cuntada oo luma
• Dareen ah neefsashada oo dhib kugu ah
• Maqaarka oo cuncuna

Hawlgabka kelyaha ee soo-jireenka ah ma laga bogsado. Waxa lagu daweeyaa cuntada oo la beddelo iyo dawooyin. Marka kelyaha uu ka lumo badi hawlgalkoodu, taasoo la yidhaahdo dhamaadka hawlgabka kelyaha (end-stage renal failure), kaadi-saaris (dialysis) ayaa loo baahan yahay dhawr maalmood tobobaadkii. Waxa kale oo doorasho daweyn noqon kara in kelyo lagugu talaalo.

Halkaan Ka Baro Kaadi-Saarista / Kilyo-Dhaqista (Dialysis) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html)

Haddii aad qabtid su'aalo cafimaad, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)