Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaymaa on August 23, 2011, 09:30:12 PM

Title: Su'aal: Qof hada ka hor TB laga daaweeyay?
Post by: Shaymaa on August 23, 2011, 09:30:12 PM
walaalahayga dhakaatiirta ah wxaan waydiin lahaa:
DHAKHAATIIR QOF HADA KA HOR AY KU DHACDAY TUBERCALUASES
OO LAGA DAAWEEYAY INTII AY DAAWADU U SOCOTAY AYAA WAXA KU BILAWADAY KULAYL MAQAARKA KORE AH THORACIC KULAYLKU WAXUU UBADAN YAHAY XILIGA HABEENKII (HURDADA) QOFKAAN CUDURKII WAA KA DAWOOBAY (tb) LAAKKKIIN KULAYKII WAA KA TAGI LA' YAHAY.
Title: Re: Su'aal: Qof hada ka hor TB laga daaweeyay?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2011, 08:55:02 PM
Kuleyl laga dareemo maqaarka kore ee saabka calaamad uma ahan cudurka qaaxada, sidaa darteed waxaad noo sheegtaa jawaabaha su'aalahaan hoose ku qoran:
1- Maqaarka wax is badal maa ka muuqdo sida midabka oo kale, nabro faruruc oo ka soo baxay?
2- Dareenka kore ee maqaarka ka waran wax is badal maa ku yimid sida in kabuubyo ama xatxato laga dareemo?
3- Daqnasho ama xanuun markii maqaarka la riixo maa jirto?
4- Wax daawo uu qaato qofkaan oo aan ahayn midda tb-da maa jira?
5- Qofkan da'diisu waa imisa? wax xanuun ah oo isku ogyahay miyaa jira sida sonkorta, dhiig-kar ama cudur xidada ku dhaca sida kolostaroolka?
Title: Re: Su'aal: Qof hada ka hor TB laga daaweeyay?
Post by: Shaymaa on September 01, 2011, 12:23:20 PM
su;aalahaas waa  waa maya wuxuuna jiraa 37yrs dawo burukiito ayuu qaatay ..............
Title: Re: Su'aal: Qof hada ka hor TB laga daaweeyay?
Post by: SomaliDoc on September 06, 2011, 10:27:22 AM
bukaankan wuxuu u baahanayahay fiisito muuqaaleed iyo baaritaanno sidaa awgeed la xiriirsii takhtar.

mahadsanid