Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Badriya on March 25, 2010, 06:32:37 PM

Title: Su'aal: Lab dilaac fara badan?
Post by: Badriya on March 25, 2010, 06:32:37 PM
Insert Quote

asc walayaal khayr ale ha inoga siiyo jawabihina waxlaal su aa shaydu waxa weeyi marka an uurka leyahay  habeenki badanaa dibiro iyo lab dilaac faro badan kadib labdilaaca  mataga madaga oo is ku badala madow u dhadhama sida birto kadib dhiig cas  hadana wax madow ood modo uus o kale bur bur la socdo marka an inta matago labta aad i xanuunta waxba ma cabi karo waxba ma cuni karo malinta yo dhan  waxayna igu dhacda marka an uurka leyahay  su aal kale iyadna wax ajirta in habeenki neeftu cidhiidhi igu tahay  iyo marka an socdo    jasakumala khyrn ig aso jahil bixiya
Title: Re: Su'aal: Lab dilaac fara badan?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2010, 08:37:53 PM
Laab dillaaca ama laabjeexa waa calaamado badanaa ay ka sheegtaan uurreyda.
Waxay kaloo calaamad u noqon kartaa cudurka gaastarikada.
Laab dillaaca waxuu ku badanyahay haweenka sida uur ka badan lex bilood maadaama culeeska uu kordhay, cadaadis badanne la saaray caloosha taasoo keenta laabjeex iyo in hooyadii aysan cunno badan cuni karin.

Laakiin haddii laabdillaaca uu wato sida ad sheegtay matag dhiig ah, dibbiro, daaco badan ama iyadoo ku dhibta, hur calaalacalaha iyo cagaha ah waa calaamad gaas oo waxaad u baahantahay in dhakhtar sida ugu dhakhsiyaha badan ugu tagtid si laguula tacaalo.

Waa cudur loo daaweyn karo si sahlan laakiin haddii aan la daaweyn wuxuu keeni karaa dhibaatooyin badan.