Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on August 22, 2017, 02:27:33 PM

Title: Daawooyinka Ay Dhalinyartu Isku Maandooriso!!
Post by: SomaliDoc on August 22, 2017, 02:27:33 PM
(http://somalidoc.com/Topics/daawodaroogo.png)
Bismillah,

Casharkeenu maanta waxaan ku soo qaadanayaa musiibo ka mid ah masiibooyinka haysata dhalinyar badan oo bulshada ku dhex nool. Waa dhalinyarta daawooyinka u adeegsato maandooriye ahaan.

Waxaan qoraalkaan ku soo gudbin doonaa xog badan oo aan ka soo aruuriyay dhalinyaro badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo isticmaala daawooyinka daroogada ah iyo waalidiin dhalay caruurtaasi qaar ka mid ah.

Daawooyinka ugu badan ee dhalinyartu isticmaasho:

Daawooyin intaa ka badan ee dhalinyartu isticmaasho way jirtaa, laakiin kuwaas ayaa ugu caansan.

Sidee dhalinyartu u barataa daawooyinka daroogada ah?
Waa muhiim in waalid walba uu la socdo, kana ilaaliyo caruurtiisa waxyaabaha u keeni kara inay isticmaalaan daawooyinkaan, kuwaasoo noloshooda halis gelin kara ama ka dhigi kara qof nolosha ka dhacay oo waalidka laftirkiisa halis ku noqon kara.

Digniin ku socoto bulshada:
Arrintaan waxay dhibaato baaxad leh ku haysaa qoysas badan oo aan garanayn meel ay wax ka bilaabaan, nasiib xumo kuwaasi waa kuwa dhif ah sababtoo ah waalidiinta badankood aqoon uma lahan waxa ay caruurtoodu isticmaasho, dhalinyaraduna way iska ilaalisaa in la ogaado iyagoo samaystay magacyo sarbeeb ah oo ay ula baxeen daawooyinkaas sida: "Kii" "Saaxiibkeey" "jiif & joog" "Anaa gar leh" Aabo ii daa" "Anigaa ku wato" iyo magacyo kaloo badan. Dhibka kale ee muuqdo waa daawooyinkii sharci darrada ahaa in bulshada lga gado oo oo si sahlan dhalinyaradii ku heli karto, weliba iyagoo loo qarinayo ama waalidkood aan lala socodsiinaynin, waxaa intaa sii dheer iyagoo aan laga wacyi gelinayn ama aan loo sheegeyn dhibaatada ay leedahay daawooyinkaas iyo iyadoo wadanka uusan ka jirin siyaasad lagu xakameeyo daawooyinkaas, waxaa intaas ka sii daran iyadoo aysan jirin xarumo lagula tacaalo dhalinyaradaan ku walfay ama qabatimay daroogadaan.

Waxaan la yaabay:
Arrintaan heerka ay gaarsiisan tahay iyo wacyi la'aanta ka jirto, waxaan ka loo la yaabay sida dhalinyarada u yaqaanaan ugana sheekeynayaan sida daawooyinka la isugu daro si loo sarkhaamo, daawooyinkaasoo qaarkood xitaa loo qaadanayo si aan loogu talagalin, Tusaale ahaan: waxay ii sheegeen daawo dadka lagu suuxiyo markay qalliinka galayaan oo cirbad ahaan dadka loogu duro, lagana helo isbitaallada kaliya in qaarkood ay cabaan si ay u sakhraamaan.

Talada SomaliDoc:
Waxaan Alle ka baryayaa in caruurteena ka badbaadiyo dhibaatadaas, waalidkii dhibkaan la nool inuu Alle ka qaado, caruurtaasne uu soo hanuuniyo, iima muuqato xal degdeg ah oo arintaan lagu xakamayn karo waqtigaan la joogo, laakiin waa in wacyi gelinta la badiyaa, waalidkane uu caruurtiisa ka war hayo lana saaxiibo. Qofkii aan weli isticmaalin daawooyinkaan ha iska ilaaliyo inuu daawo ahaan u qaato. Fadlan qoraalkaan waa wacyi gelin ee la wadaag qof walba oo aad garanayso si waalidka u ogaado halista caruurtiisa ku soo fool leh, dhalinyartuna u ogaato halista waxyaabaha ay isticmaalayaan. "Ilaahayow dal nabad qaba iyo dad caafimaad qabo".

Wixii faahfaahin aad uga baahan tahay qoraalkaan ama talooyin dheeraad ah, si toos ah dhakhtarka ugala xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)