Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ifraax on May 29, 2009, 12:40:07 PM

Title: Su'aal: Galmada Uurqaadka?
Post by: Ifraax on May 29, 2009, 12:40:07 PM
Asc su aasheeda waxaa waye sidee oogu fican oo la iskugu galmooda marka ad dooneeso in ad uurqado
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Dr.Sharbele on May 29, 2009, 09:03:43 PM
 Waa Mahadsantahay Ifraax, Horta ma jirto qaab ama si gaar ah oo markii laysu galmoodo uur imaanayo,balse waxa jira waqtiyo ama xilliyo ay  kordheyso in markii laysu tago uur yimaado.

Waxaase ka horreysa inay jirto marka hore wada-tashi ku aadan labada is qaba, inkastoo soomalida raggooda ama odayaashii hore ay rumeysnaayeen in markii islaantu dhiiga-caadada ka meyrato ay diyaar tahay inay uur qaadayso, laakin taasi waa fikir qaldan, waayo wax ugxan ahi ma sameysman xilligaas.

Caadada markay dhamaato hal asbuuc ka dib, maalinka 7aad, ukuntu way joogtaa, waxana macquul ah waqtigaa inuu uur yimaado, sidoo kale maalinka 14aad oo ay ukuntu kala bar ku dhowdahay, ugu danbeytiina Maalmaha ka danbeeya 20-ka, weliba 25-ka, intaasi wixii ka danbeeya ugunta way soo baxdaa. ka dibna waxa yimaada, dhiiga loo yaqaan (Xeydka).
Title: Re: Su'aal: Marki la isku galmad kadib
Post by: Ifraax on May 30, 2009, 06:34:43 PM
Asc wr wb. Waad mahad santahay Dr Sharbele sida aad wax igu faleysay waan fahmay.
Su asha kale oo aan qabo waxaa waye dr markii la isku galmood ka dib oo aan sariirta sii sarnado ilaa sacad camal sida ey shahwada u garto labada dhun o ku dhagan minka. Lakin sacad kabacdi markii aan is dhaho wey gartay shahwadii oo sideeda ah ayaaba bananka u soo baxee mana garanayo wax u sabab ah taas ma iga jahli bixin kartaa hadii ad awoodo mahad sanid asc
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on June 02, 2009, 07:45:25 PM
Taasi wax dhib ah malahan, waxa la rabo in ay hawl qabtaan oo meel gaaraanne maahan qoyaanka aad dareemeyso ee waa wax isha aysan arki karin laguna magacaabo "Xaw" (Sperm).

Waana wax iska caadi ah uurkane inuu dhaco iyo inuusan dhicin kuma xirna.
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Ashwaaq on June 05, 2009, 09:51:14 AM
asc/ doctor "waxaa jira kaniini eey isticmaalan raga kaniinigas oo ah mid weyneya ama balariya xubinta  taranka eeraga marka kaniinigaas magaciisa yaan rabaa adigo mahadsan maxayeelay waxan  rabaa in aan ka ilaaliyo kaniinigaas kaas oo keenikara qatar xaga minka ah
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on June 11, 2009, 11:54:01 PM
Kaniiniga Sildenafil ama loo yaqaano "Viagra" waxaa daawo ahaan loogu isticmaalaa hawlgabka kacsiga laakin maahan daawo xubinta balaarisa oo minka dhib u keeni karta wuxuu xubinta ragga ku saacidaa in qulqulka dhiigga uu joogteeyo kaliya.
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Jamaal on August 28, 2009, 12:14:07 AM
Asalaamu caleeykum

anigoo halkaaan wakhtiga ka faa iidaysanaya

su,aasheeda waxa weeye   Viagra  muxuu yahay  maxaa kamid ah faa idooyinkiis


ma wakhtiga  buu badiyaaa   Xiliga galmada


hadii aan is ticmaalo ama aan badsado isticmaalkiisa  dhibaato inteee buu leeyahay

fadalan  iga jaa hil bixiya dhakhaatiirooooooow
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on September 01, 2009, 02:41:09 PM
Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga.

Viagra waxaa lagu daaweeyaa kacsi laáanta (Erectile dysfunction)
Viagra waxaa kalooo lagu daaweeyaa xaalado kale.

Talo:
Ha qaadan viagra haddii aad qabto wadna xanuun ama aad qaadato daawada loo yaqaanno "Nitrates".
Wuxuu kuu keeni karaa faalij, dhiig-kar ama wadnaha oo istaago.

Weligaa hal mar ka badan maalintii ha qaadan daawadaan.

Viagra wuxuu kaloo lumin karaa aragtida madaama uu socodka dhiigga ee indhaha uu yareeyo.

Viagra wuxuu u daran yahay dadka qaba kaadi macaanka, kolestaroolkooda sarreeyo, ama dhiig kar qabo.

Inta aadan qaadan viagra kala tasho takhtar ama u sheeg dhibaatooyinka aad qabto oo dhici karto in uu halis ku tahay daawadaan.
Waxa aad u sheegeysid dhakhtarka waxaa ka mid ah:
-Dhiigkar
-Sonkorow
-Hawlgab wadne
-Xanuun beer
-Xanuun kelli
-Dhibaato dhiigbax
-Gaastiriko
-Indho caad
-Dhibaato xagga galmada

Haddii aad qaadatid daawadaan xilliga galmada waxaa dhici karto in aad dareento wareer, lalabo, xanuun, kabuubyo ama xatxato feeraha iyo gacmaha ah, jooji daawada dhakhtarne u waco ama isbitaalka aad.

Haddii aad isku aragto guux dhegaha ah, wadno garaac, madax xanuun, xasuus lumis, suuxdin, jooji daawada isticmaalkeeda.

Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah soo weydii
SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Jamaal on September 04, 2009, 12:32:02 AM
asc
waad mahadsantahay dr laakiin su,asheda wali maadan safiiican oga jawaabin

hadii aan ku celiyo su,aasheeda waa labo su,aal


kiniiga veegrah ma xubinka taranka ninka buu wakh tiga kordhiyaaa??

mideeda labaad ..hadii aan isticmaalo habeenka uhoreeya aan aqal galoyo  ... si aan oga raadiyo firfircooni iyo ciyaar kulu   habeenkaas baan is ticmaalay iyo habeenkii ku kuxigay /

wax dhib  ma iii keeni karaa halkaas habeeen .. dhibkase ma dhib ween baa mise waa dhib yar????

waad mahadsantihiiiin
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on September 05, 2009, 03:47:02 PM
asc
waad mahadsantahay dr laakiin su,asheda wali maadan safiiican oga jawaabin

hadii aan ku celiyo su,aasheeda waa labo su,aal


kiniiga veegrah ma xubinka taranka ninka buu wakh tiga kordhiyaaa??

mideeda labaad ..hadii aan isticmaalo habeenka uhoreeya aan aqal galoyo  ... si aan oga raadiyo firfircooni iyo ciyaar kulu   habeenkaas baan is ticmaalay iyo habeenkii ku kuxigay /

wax dhib  ma iii keeni karaa halkaas habeeen .. dhibkase ma dhib ween baa mise waa dhib yar????

waad mahadsantihiiiin

Waan kaaga jawaabay suáasha 1-aad;
Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga sidaa darteed ayuuna u dheereeyaa waqtiga galmada.

Suáasha 2-aad:
Lama sheegi karo in dhib uu kuu keenayo iyo in kale, laakiin haddii aad isku aragto calaamadaha aan kuu sheegay dhib ayuu kuu keenay.

Mahadsanid
SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Jamaal on September 05, 2009, 05:18:02 PM
Asc

waad mahasantahay sida fiican aad iiga jawaabtay

thanks
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Faaciye on September 05, 2009, 11:27:57 PM
Su,aaal

hadii aaaanisticmaalo kalyaha wax dhib ma kukeenikaraaa?/
shuran
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on September 07, 2009, 10:27:06 AM
Waxaan filayaa in aan kor ku soo sheegay in dhibaatooyinka kaniinigaan ay saameyn karaan kilyaha.

mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Faaciye on September 09, 2009, 07:53:59 PM
waad mahasantahay

su.aal kale meeqa saac bay shaqadu soconkartaa markii aan kiniiga isticmaalo?

2. hadii aan 2xabo hal mar liqo kwaran wax dhibaato ma iii keeni karaaaaa>.

3. dumar ka ma is ticmaali karaan kiniiga si labada ruuux ay ubadansadaan wakhtiga

mahsanidin
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on September 15, 2009, 11:36:37 AM
Waxaa kaniiniga isticmaalo ragga midda kale qaabka aad u isticmaalaysid kala tasho qofka kuu qoray
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Naira on September 16, 2009, 01:57:32 AM
waxa jira kiniin la dhaha ( intrinsa) waxay siyaadisaa level testosterone in womens blood  N:B Intrinsa will initially be available only on prescription for post-menopausal women diagnosed with sexual problems.
sido kale  hysterectomy.


           
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Naira on September 16, 2009, 02:03:06 AM
waxa jira kanin la yirahda Intrinsa waxa istiqdama haweynka wuxu siyaadiyaa level o testosterone in a woman's blood and  available only on prescription for post-menopausal women diagnosed with sexual problems and hysterectomy.

Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: Yaxya on September 16, 2009, 02:35:33 AM
thx naira 4 these information  but actually this medicine is new and is not availble in the markets of most countries and it's side effects are not cleary known yet .
Title: Re: Su'aal: Galmada uurqaadka
Post by: Ashwaaq on September 25, 2009, 03:52:12 PM
ASC/  dhamaan wad salaamantihiin  dhaqaatiirta webkaan somalidoc.com
 itaaka kadib   ma jirtaa kaniinI u dhereeya  waqtiga xiliga galmada   haweenka?
 sida hadaba aad u soo sheegteen midka raga oo ah (Viagra  )marka majiraa isaga oo haweenka u gaar ah madama uu kan raga u gaaryahey ?

MAHADSANIDIIN,
Title: Re: Su'aal: Galmad Uurqaadka?
Post by: SomaliDoc on September 29, 2009, 11:10:29 AM
Walaalayaal suáalaha wixii qofka muhiim u ah in halkaan lagu weydiiyo si looga wada faaideysto ayaan ugu tala galnay laakiin maahan in suáalo aan macno laheen waqti la isaga lumiyo.

Maxay tahay baahida ay haweenka u qabi karaan daawada noocaan ah oo waqtiga dheereenaayo sida aad sheegeyso?