Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sucaad1 on June 09, 2018, 11:23:29 PM

Title: Su'aal: Xanuun kala goosyada?
Post by: Sucaad1 on June 09, 2018, 11:23:29 PM
asc walaalahey Somalidoc. adinko mahadsan waxaa iga caawisaan waxaa dareema xanuun kala goosyada gacmaha iyo jilbaha, xitaa gacmaha waxee iga xanuunan far far, mar hal faraa iska xanuunesa mar gacanta dhan wax kuma qaban karo xanuunle mar dhica kore gacanta iska xanuunesa waana xili kali waxaan arko dhibkaan waana xiliga qaboobaha mararka qaar sidii kaduudiyo kale ee ixanunaan.
waxaa dadka guriga ku nool idhahaan waxaa kugu yar calcium ka waayo waa cana necbahay canala'an inee ikeentay sababiyeen, waxaa tagay doctor waxay iga bareen calcium iyo romatisan, waxaa la idhahay calcium kada waa normal, romatisan ma qabtid.
 qoraalkega tirada badana waa idnka raali galinaa waxaana idinka rajena inaa icawisaan.
       inbadan mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Xanuun kala goosyada?
Post by: SomaliDoc on January 07, 2019, 04:35:01 PM
Walaal xanuuno badan ayaa sidaa loo dareemaa, qasab ma ahan inay roomaatiisam ama kaduudiye noqdaa, xanuunka thyroid-ka sidaasi waa loo dareemaa, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0)

Sidoo kale xanuunka laabatooyinka galo ee "osteoarthritis" la yiraado, soomaalidane riixa u taqaano wuu keenaa, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0)

Sidoo kale hadduu caabuq jirka jiro sida caloosha oo kale, kalagoysyada way ku xanuuni karaan, faahfaahin ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0)

Sidoo kale xanuunka buruseelka ee murqaha ku dhaco sidaasoo kale waa la dareemaa, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2233.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2233.0)

Waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si laguu wiisiteeyo, laguuna baaro, markaas ayaa la ogaan karaa cillada saxda ah ee jirto. caafimaad baan kuu rajaynayaa.