Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on September 19, 2015, 11:16:31 AM

Title: Su'aal: 5 jir bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo?
Post by: Ibnu muhammad on September 19, 2015, 11:16:31 AM
Salaan kadib waxaan waydiin lahaa dhakhaatiirta ilmo 4-5 jir ah oo markiisi hore fiicnaa ayaa wuxuu bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo iyo isagoo soo jeeda labaduba.
Mid kale oo da'daas un jira qufac iyo riiraxyo habeenkii u badan ayuu leeyahay? Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: 5 jir bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo?
Post by: SomaliDoc on September 22, 2015, 01:49:00 PM
Ilmo aanan horay iskugu kaadin jirin, haddii ay isku kaadiyaan waxaa keeni karo:
1- Hadduu cunuga xanuunsan yahay, xanuunka noocuu rabo ha ahaado khaas ahaan kuwa qandhada leh.
2- Haddii calooshu fadhiso ama hurdada ka soo kici la' yahay daawooyin la siiyay khaas daawooyinka ilmaha qufaca loo siiyo oo hurdada leh.
3- Haddii cabsi ama welwel soo food saartay cunuga ama inuu qarwo habeenkii.
4- Haddii cimilladu ay is badaleen oo xilli qabow la galay ama meel kale la keenay.

Waxyaabo badan oo sidaas oo kale ayaa keeni karo caruurta in ay isku kaadiyaan iyagoo aanan isku kaadin jirin, waalidku inuu ka walwalo ma ahan haddii aysan joogto noqon.

Talo: dhakhtar u geey ilmaha haddii ay xanuunsanayaan si loo daaweeyo, daawooyinka dhakhtarku kuu qorane waydii waxyaabaha laga filan karo sida inay hurdo leeyihiin oo kale.

Akhriso qoraalkaan ku saabsan isku-kaadinta caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,447.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,447.0.html)