Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuurka555 on September 29, 2015, 10:58:37 PM

Title: Su'aal: Sanka ayaa iga socdaa qooyaan?
Post by: Nuurka555 on September 29, 2015, 10:58:37 PM
ascww waankuslaamayàa walal waxaanjoogaa dalkii hooyo waxaana si xushmasleh kaaga codsanayaa inaad iisheegto dhibaato sanado ihaysey taasoo ah insankeyga kasocdey qooyaan aandhamaaneyn oo umaleysid duuf midabkiisana uuyahay sida biyaha oo kale markastana sanka gudihiisa waa masaxaa suaasha labaad waxaaweeye kolostarool hay ayaa taqtar iga sheegey korostaroolku miisaanka jirkeyga mayarèyaa oo makènàa aadbaad umahadsantahay qeer alaha kusiiyo
Title: Re: Su'aal: Sanka ayaa iga socdaa qooyaan?
Post by: SomaliDoc on October 02, 2015, 11:04:51 AM
Inta aanan ka jawaabin su'aasha duufka joogtada ah ee ka socdo sankaaga, ka soo jawaab su'aalahaan hoose:
1- Allergy ama xasaasiyad ma leedahay?
2- Hindhiso iyo cabur ma leedahay?
3- Xilliyadee ayuu duufka u badan yahay?
4- Madax xanuun ma leedahay?
5- Daawooyinka hore ood u qaadan jirtay maxay ahaayeen?

Midda ku saabsan kolestaroolka, halkaan ka akhriso qoraal ka jawaabi doona su'aalahaaga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html)

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay i soo waydii.
Title: Re: Su'aal: Sanka ayaa iga socdaa qooyaan?
Post by: Nuurka555 on October 02, 2015, 04:03:10 PM
ascww.qeer alaha kusiiyo
maraka qaarkood himdhiso badan waa jirtaa markaan uriyo sida dharmeelkabuuxu ookale  bus amasiigo laakiin korcucun maqabi
madax xanuun waaqabàa
daawooyin waaqaatey oo aheed waxaan isku arkijirey suuxdin oo sanad markey kasoo wareegato suuxi jirey suuc?intaas waxay iigu horeysay 1993halmar1994halma1996halmarilaa iyo2000kii kadib ayaa taqtarkaneerfaha utagay wuxuu iiqorey daawooyin badan waana qaateyy iyo daawada malaariyada oo dhowrjeer qaatey suuxdintii hada labosano iskuma arkin alaha mahadiisa waadkumahadsantahay
Title: Re: Su'aal: Sanka ayaa iga socdaa qooyaan?
Post by: SomaliDoc on October 05, 2015, 11:38:31 AM
halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html)