Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Eyman on September 01, 2011, 02:06:14 PM

Title: Su'aal: Hypothyroidism makeenaa madhaleysnimo?
Post by: Umu Eyman on September 01, 2011, 02:06:14 PM
as/c dhaman dhaqatirta howshan wanagsan isu xilsaray salaan hadan suasha ugudbo
mar 2 sano laga joogo ayaa waxaa u tagay dhaqtar waxey itir waxa aqabtaa thyroid problem ee cun thyroxin tablet lif time u cun subax walba wana 25mcg marka wan qatay hadna wan isku celiayya test ok waaye hada lkn wad ayeye tiri lif timkada marka hada marmar waa iloobaa oo toos uma qaato ma dhib baa iiga imaana hadaan iska dhaafo madama hada blood test meeshi lagrabay sheegaayo

waa mahdsantihiin
Title: Re: Su'aal: Hypothyroidism makeenaa madhaleysnimo?
Post by: SomaliDoc on September 21, 2011, 03:45:13 PM
Howlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka hormoonka toroodh ee "Thyroxine" uu hoos u dhacay. taasoo keento calaamado dhowr ah oo ay ugu horreyso: tabardarri, misaanka oo kordha, saxaro adeeg, murqo xanuun, maqaar qalleyl, timo danbas iyo dareemis qabow.
Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini badala hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno "thyroxine" oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan.

Haddii kaniiniga aad iska joojisid, waxaad dareemeysaa xanuunka kor ku xusan.

Cudurkaan iyo madhalaysnimada waa isla xiriiraan madaama aysan ugxanta aysan soo saarmeen hormoonka maqan awgiis, sidaa darteed in daawada la joogteeyo waa qasab.