Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hani Hassan on August 07, 2020, 02:39:10 PM

Title: Su'aal: Cillad dhanka dhagta ah?
Post by: Hani Hassan on August 07, 2020, 02:39:10 PM
Asc. Dhawaatiirta sharafta leh kheeyr Allaha idin siiyo. Waxaan leeyahay uurkeygi ugu horeeyay. Waxaan hadda ahay 15 weeks oo bishii afaraad ayaan ku jiraa. Isbuuc ka hor ayaa dhaqtarka iigu dambeeysay xiligaas oo baaritaanka guud soo sheegay caafimasd qab dhan kaste ah marka laga reeno malaria la iga helay. Kadib waxaan dareemayaa in dhagta bidix aan ka maqlaayo dhawaq u eg kan wadnaha oo i garaacmaya waliba si joogto ah marka laga reebo xiliga aan sujuudsanahay, waxaan isku dayay inaan wadnahayga gacanta saaro si aan u ogaado garaaca wadnaha iyo dhawaqaas inee isku xiranyihiin taasoo aan u arkay ineesan xitaa ilbiriqsi kala dambeeynin. Maqaallo badan ayaan aqriyay arinkaas balse waxaan jecleestay talada dhabta ah inaan adinka idinka helo. Wax normal ah oo xaalada uurka la socda ma noqon kartaa, mise waxaan ku qasbanahay inaan dhaqtar la xiriiro? Mahadsanidiin.