Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on July 22, 2013, 08:55:10 PM

Title: Su'aal: Faa'iidadda Cunidda Ama Cabidda Qaraha(Xabxabka)
Post by: Abdirizak on July 22, 2013, 08:55:10 PM
Asc, Dr Ramadaan Kariim
 
 Sida ay u dhalatay Bisha Barakaysan ee ramadaan. waxaan bilaabay inaan cuno Qaraha,.  Sedex Cisho Kadib waxaan isku arkay arintan.
 Abaarihii markay soo dhawayd xili saxuurtii, ayaan xamaaamka kaadi u galay, kaadidaydii waxay u e kaatay sidii in ciid ay ku jirto, isla markiiba hadana way isbadashay oo waxay noqotay caadi yacnii Cadaaan,.

 arintaas ayaa waxay igu dhalisay inaan ka shakiyo inuujiro dhagax, labo maalin kadib waxaan dareemay markii aanafuray Dhabar xanuun iyo xiniin xanuun. waxaana doonatay  Baraf si aan u sooro meesha aan ka dareemaayo xanuuunka. xoogaa ayaan dareemay nafis, balse farmashi xaafadayada ku yaal aayaan u tagay, wuxuuna isii Antibiotic Kabsol iyo Declofine, iyo emproven sidaan filaayay.  lkn nasiib wannaaag waan caafimaaday,.

hadaba Su'aashaydu waxay tahay. Qaraha in cabitaan ahaan loo cabo iyo in sidiisa lagu cuno, keebaa fiican..
teeda kale wax dhagax ah majirikaraa. kaadida o isbadashay awgeeeed.
Title: Re: Su'aal: Faa'iidadda Cunidda Ama Cabidda Qaraha(Xabxabka)
Post by: SomaliDoc on August 23, 2013, 05:07:36 PM
Qaraha wuxuu ka hortagaa ama dadjiyaa soo bixista dhagaxaanta kilyaha ama kaadi heesta gala, sababtuna waa isagoo ku jirto maadada kaadi dareerisada iyo isagoo leh biyo badan oo kilyaha sifeeya.

Hadii aad isku aragtay kaadidaada oo caro yeelatay isi saar ultrasound si aad u hubsatid haduu dhagax jiro iyo in kalaba.

Hadii qaro aad heli kartidne sii wad cunistiisa waa caafimaad.
Title: Re: Su'aal: Faa'iidadda Cunidda Ama Cabidda Qaraha(Xabxabka)
Post by: CilmiSabca on September 11, 2013, 09:30:54 PM
Sidoo kale, waxaa la ogaaday
In Uu Qaruhu ama Xabxabku Miisaanka Badan Uu Dhimo Ama Yareeyo!!
Daraasad iyo cilmi baadhis caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in
isticmaalka xab xabku uu yahay mid wax weyn ka taraya in miisaanka jidhku noqdo mid hoos
u dhaca, iyada oo aan wax gaajo ah la dareemin. Xab xabka ayaa lagu sheegay
inuu lee yahay kuleyl yar oo gubi kara xeydha,
waxaana miisaanku u
yaraanayaa si caafimaad
ku jiro, iyada oo aan wax gaajo ah dareen, iyadoo aan loo baahneyn in cuntada la iska joojiyo ama la iska yareeyo, sida dadka badankood ay sameeyaan marka ay barruureystaan oo ay cayill iska dareemaan. Hadii la dooneyso in uu miisaanku si fudud ku yaraado, qofku  ha isticmaalo cabida
xabxabka maalin walba, isagoo shiidanaya ama
cunaya hal kiiloo garaam.
Dad badan oo sameeyay arrintaan ayaa sheegay in ay
maalmo koobaan 3-ilaa 5- kiilo oo jidhkooda ahi ay ka degtay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in aanay dareemin wax gaajo.
Marka xabxabka la
cuno mudo 12-saac ah.