Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on February 27, 2016, 12:46:59 AM

Title: Su'aal: Maxaa keena in marka wax la cuno hurdo timaado?
Post by: Abdi21 on February 27, 2016, 12:46:59 AM
waxaan marar badan isku arkaa marka aan wax cuno in aan hurdo la dhaco xitaa hadii aan hurdo ka kacay saacado kahor maxayse tahay marka aadan guriga ka bixin hurdada is xig xigta iyo haamaansiga waxaa igu soo dhaca hadal somalida eey tiraahdo hurdaa hurdo dhasha mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena in marka wax la cuno hurdo timaado?
Post by: SomaliDoc on March 04, 2016, 12:34:42 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hurdocunno.png)

In aad dareento xoogaa daal cuntada ka dib taasoo aad u baahan tahay in aad iskala bixiso ama aad hurudo waa arrin dabiici ah, laakiin haddii aadan hrudo iska celin karin cunto walbo dabadeed, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid.

Cuntada markaan cunno kadib, khaasatan markii ay tahay cunno culus, waxaa jirka ku bato heerka sokorta, kadib wuxuu jirka soo daayaa hormoonka insulin-ka kaasoo sokorta hoos u dhigo, inta insulintu ay shaqadaasi hayso, waxaa maskaxda ku badato maado loo yaqaano "Tryptophan", tan oo markii ay maskaxda gaarto jirka u badasho labo walxood oo kala ah "seratonin" iyo "melatonin", labadaan maado jirka way dajiyaan, hurdane way keenaan, sidaas ayuuna qofka ku dareemaa hurdo.

Hurdada waxay badataa markuu qofka mudda gaajaysnaa sida xilliyada soonka, maxaayeelay sokorta ayaa hooseyso markaad afuraysid, kadib cunnada aad cuntid waxaa loo badalayaa tamar jirka si uu isticmaalo, sokortii oo awalba yaraydi iyo midaan oo aan diyaar noqon weli ayaa hormoonka insulin-ta sokorta hoos u dhigaa, wuxuu kaluu qofka dareemaa dhaxan iyo qarqaryo taasoo ka tarjumaysa in sokortaadu ay hoos u dhacday, jirkuna uu wado dadaal lagu soo kicinaayo, qarqaryada iyo jaraynta aad dareemayso waa falcelin jirka lagu kululeynayo.

Way jiraan xanuuno lagu yaqaano inay keenaan dhaxan iyo qarqaryo markastoo cunno cuntid sida dhiig-yarida, xanuunka thryoid-ka dhacsan, fitamiin yarida iyo hooyada uurka leh, haddii dhaxantaadu ay tahay mid joogto ah fadlan la xiriir dhakhtar si cudurradaas lagaaga baaro.

Haddii aadan rabin in aad hurudid ama dhaxamootid cunnada ka dib, ku dadaal in aadan cunin cunto ay ku badan tahay "carbohydrates-ka" iyo "Fats-ka", waxaadna badsataa waxyaabaha borotiinka uu ku badan yahay iyo cagaarka, akhriso qoraal ka hadlayo cuntada noocaydeeda kala duwan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html)

Waxaa kaloo la arkaa qofka leh dheefshiid xumada, qofakasoo dareemi karo dibbiro, daaco iyo dhuuso badan, wuxuu dareemi karaa hurdo markuu cuntada cuno, akhriso qoraal ku saabsan dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html)

Waxaa kaloo hurdada u keeni karo qofka, hadduu aad u daallanaa inta uusan cunno cunin ka hor, waxaa jirka tamartii yarayd ee ku hartay loo weeciyaa xagga dheefshiidka, tan oo keenayso qofka in la jiifiyo si uusan dhaqdhaqaaq u galin, waana arrin eebe ugu tala galay.

Waxay dhakhaatiirta kula taliyaan dadka hurdada iska celin la' marka ay cunto cunaan in ay cunanda ku darsadaan dheecaanka tuffaaxa oo loo yaqaano "Vinegar" ama "Khalka" si uu jirka ugu caawiyo shiidista cunta iyo isu-dheellitirak sokorta, sidaasne hurdo wayn kugu qaban mayso.

Akhriso qoraal ku saabsan Faa'idada Hurdada Duhurkii: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4818.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4818.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan Waxyaabaha aan la samayn cunanda ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6723.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6723.0)
Akhriso qoraal ku saabsan 11 talo oo aad ku helaysid Afur caafimaad leh: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5463.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5463.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)