Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 30, 2011, 02:56:09 PM

Title: Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?
Post by: CilmiSabca on November 30, 2011, 02:56:09 PM
Asc walaalayaal sida aad u dhan tihiin. Sln ka dib.
Dhakhtar, cunug yar ayaa waxaan ku aragnay in uu xubinta guska qeybta hore aad uga xanuunsaday, isla markaana uu aad inta uu u bararay uu haddana dhinac u leexday. Waxaan u geynay dhakhtar si uu u baadho, ka dib markuu arkay wuxuu yidhi bahal ayaa fooda ka qaniinay, wuxuuna u qoray kaniiniyaal 2 nooc ah, hase yeeshee waxba may tarin. Laakiin 3 cisho ka dib xanuunkii wuu sii batay. Takhtar kale ayaan u geynay inankii isna wuxuu u qoray kaniini iyo sharoobo, iyaguna waxba may tarin. Ugu dambeyn yarka hooyadiis ayaa eeg eegtay, waxayna ka soo bushisay Dixri wax yar ka weyn Diqsiga oo midab cad ama dambas ah leh oo yara xaad dhanka dusha leh. Hadda yarkii wuxu ka reystay xanuunkii & bararkii.
Marka Dhakhtar, dixriyada noocyadaan ah, sidee lagu garan karaa? Meelahee ayey jirka kaga soo gudbaan? Maxaase keena in ay jirka dadka galaan? Haddii ay qofka galaan wax cudur ah, ma u keenayaan qofkaas? Tips for prevention fadlan soo raaci taladaada.
Thanks 2 all of U.
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 10:32:52 PM
Dixriga laga soo bixiyay ma midkii dheeraa oo dharabowga ahaa mise midkii yaryaraa ee Dhasaha ahaa?!
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?
Post by: CilmiSabca on December 05, 2011, 10:57:35 PM
Waa midka yar yar ee cad cad ee meeshuu galo xanuun u yeela oo barar kuusan u yeela. Magaca dixriga ma garanayo waa mid marka hore aad u yar yar muddo ka dibna tartiib u koraya. Ma aqaan in uu yahay dhuudhi ama war wareegow.
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 11:45:14 PM
Waa nooc ka mid ah dixriyada jirka galo, waxaana keeno tukhsiga loo yaqaanno "Human botfly", wuxuuna ku badan yahay dhulka dhooboyda ah iyo meelaha ay biyaha fadhiistaan.

Tukhsiga wuxuu ukuntiisa dhigaa maqaarka jirka, kadib way ku dhex dillaacdaa, kadibna waxay u muuqataa sidii nasaha oo kale.

Markii jirka ku jirto waxay u egtahay sidatan:
(http://www.biolib.cz/IMG/GAL/17531.jpg)

Markii dixriga banaanka loo soo bixiyane waxay u egtahay sidatan:
(http://www.dpd.cdc.gov/dpdx/images/ParasiteImages/M-R/Myiasis/D_hominis_habitus_A.jpg)

Daawadu waa in jirka laga soo saaro dixirgaan.
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?
Post by: CilmiSabca on December 06, 2011, 12:18:55 AM
Maasha Allaah Somalidoc. Waa sidaad u sheegtay, calaamadda iyo muuqaalkana waa iyagii isla markaana halka aanu joogno beryahaanba waxaa ka da'ayey roobab kuwaas oo biyo dhigay agagaarahayaga. Aad ayaad u mahadsan tahay Dhakhtar. Sida aad sheegtay ayaana loo daaweeyey, laakiin Dhakhtar, haddii uu dixrigu qofka ku raago miyuu ku sii tarmayaa? Cudurro ka baxsan xanuunka iyo bararka miyuu keeni karaa? Mahadsanid mar kale Somalidoc.
Title: Re: Su'aal: Sidee Lagu Gartaa, Dixriga Dadka Jirka Ka Gala?
Post by: SomaliDoc on December 06, 2011, 12:54:43 AM
Dixriga kuma sii tamo meesha, wuxuuna keenaa cuncun iyo haddii in muddo ah ku raago in uu caabuq keeno oo meesha u ekaato boog dheecaan yeelato khaas ahaan haduu dixriga ku dhex dhinto, haddii la arko calaamado caabuq waa in la siiyaa daawo antibaayootik, isagane laga soo saaraa jirka.
Dhibaato intaa ka baxsan ma keeno.