Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Yusuf on March 21, 2012, 12:28:51 AM

Title: Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?
Post by: Khaalid Yusuf on March 21, 2012, 12:28:51 AM
Asc waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka walalayaal  waxan rabaa sadex su,aalood
1.Gaasku  hadii aad daremeysid oo qabtid gastarig markuu kugu kaco makeeni karaa wadna garaac waxan dareemaa markuu igu kaco wadno garaac.
2.timirta ma kicisaa gaaska sida cuntooyinka qaar u kiciyaan, timirta se malaga qaadaa macaan (kaadi macaan)
3.Ninku hadii uu galmo la sameeyo xaaskiisa shan jeer maalintii isku celcelis  asbuucii  35 jeer caafimaad daro ma u keenikartaa nin.
Waad mahadsantihiin Ilaahay ha idinla jiro.
Title: Re: Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 05:50:00 PM
1- Gaaska wuu keenaa wadno garaac iyo tabar darri.

2- Macaanka waxaa keeno in xubin jirkaaga ka tirsan oo loo yaqaano "Pancreas" ey soo saari wayso hormoonka "Insulin"-ka ama soo saarto Insulin aan sida saxda ah u shaqaynin ee cudurka lagama qaado wax macaan oo la cuno, laakiin haddii sonkor aad qabtid, wax macaan lama cuno maxaa yeelay sonkortaada ayay sare u qaadaan, taasina waa halis.

3- Galmada in la xadeeyo ayuu caafimaadka ku jiraa, haddii qofka hal mar sameeyo maalintii ama maalin dhaaf u sameeyo inkastoo ay ku xiran tahay qofka caafimaadkiisa iyo awooddiisa ayaa la sheegaa in ay fiican tahay - laakiin 35 jeer usbuucii waa siyaado
Title: Re: Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?
Post by: Khaalid Yusuf on January 01, 2013, 03:59:10 PM
ASC Alla ha idinka abaal mariyho jawaabta aad naga siiseen  su.aal kasta oo idin waydiino waxan rabaa inaan ogaado maadaada aad dhahdeen gaaska wadno garaac waa leeyahay taas macnaheeda ma noqon kartaa wadno xanuun  oo mustaqbalka qofka ma waxaa ku dhacaayo wadna xanuun  macnaha dhib soo gaara wadnaha oo gaasku u keenay?
Title: Re: Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 08:04:56 PM
Wadne garaac hadduu ka yimid xanuun aan wadnaha la xiriirin sida cudurka gaaska oo aan ka hadalnay, dhibaato mustaqbal ma keenayo, wadna xanuune lama xiriiro.