Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dirsame on April 29, 2017, 11:31:37 AM

Title: Su'aal: Dawakh xilliga salaadda aan u taagnahay?
Post by: Dirsame on April 29, 2017, 11:31:37 AM
Asc. Bariido ka dib, waxa aan bahda caafimaadka wayddiinayaa, marka aan wax cuno xilli yar ka dib waxa aan dareemaa: Dawakh, aragga oo carceero iga gasho, xaglaha oo culays iga fuulo iyo marka aan salaadda u taagnahay oo aan wareer dawakh ah dareemo.

Waa aad mahadsan tihiin Rabbi ha idin barakeeyo walaalayaal.
Title: Re: Su'aal: Dawakh xilliga salaadda aan u taagnahay?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2017, 07:58:28 PM
Dareemista astaamaha aad tilmaantay markaad cunno cuntid waxay tilmaan u tahay cillad la dhaho "postprandial hypotension", taasoo macnaheeda ah cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca cunanda ka dib, waana cillad dadka qaar lagu arko, waxaana ugu daran markuu qofka cuno cunno culus una badan carbohydrated sida baastada, bariiska, IWM, sdiaa darteed dadka cilladaan qaba waxaa lagula taliyaa in cunnada aysan iska badin khaasatan haddii ay carbohydrated tahay, cunanda kadibne ay nastaan oo aysan u istaagin howl kale sida salaadda oo kale.

Haddii xilli salaad soo dhaw yahay, cunnada ka dhigo salaadda ka dib.